Hirshabeelle oo faah faahisay iska horimaadkii shalay ka dhacay Jowhar

0
165

Khamiis, May, 20, 2021 (HOL) – Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle Axmed Meyre Makaraan ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay dagaal culus oo maalintii shalay gudaha magaalada Jowhar ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad hubeysan.

Dagaalka oo ahaa mid culus oo ay ku dhinteen ku dhawaad 10 ruux oo isugu jiray Askar iyo mas’uuliyiin ka tirsanaa madaxtooyada Hirhabeele ayuu sheegay guddoomiyuhu in bilaabeen koox sida uu hadalka u dhigay Mooryaan ah oo doonayay in ay xoog ku furtay dad dhawaanta laga soo xirxiray.

”Kuwa soo weerarray ciidamada waxaa ay ahaayeen koox Mooryaan ah oo tuuggo ah oo dadka dhici jiray dhawaan ayaa qaar iyaga ka mid ah la soo xirxiray, kaddibna waxaa ay isku dayeen in dadkii ka xirxirnaa ay soo daayaan, taas ayaa keentay dagaalka ayuu yiri guddoomiyaha.

Dadka shalay ku dhintay iska horimaadka ayaa la sheegay in ay u badnaayeen askar ka tirsaneyd ilaalada madaxtooyada Hirshabeelle, sidoo kale waxaa ka mid ahaa mas’uul ka tirsanaa isla madaxtooyada dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com