Dagaal Jowhar ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo koox macwiisley ah

0
98

Arbaco, May, 19, 2021 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in halkaa uu dagaal qaraar ku dhaxmarayo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo koox maleeshiyaad ah.

Wararku waxaa ay sheegayaan in kooxda maleeshiyada ah weerarku qaadeen koontarool dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Jowhar oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.

Dadka magaalada Jowhar ayaa sheegay in ay maqlayaan rasaas xoog leh iyo waliba madafiic qoryaha Baaskuuha ah oo ay is wedyaarsanayaan labada dhinac.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax khasare ah oo laga soo sheegay dagaalka sidoo kalana ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Hirshabeelle.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com