Dowladda Soomaaliya oo shirkad diyaaraddeed oo ka diiwaan gashan Kenya ka mamnuucday dalka

0
132

Isniin, May, 17, 2021 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka mamnuucday shirkad diyaaradeed oo ka diiwaan gashan Kenya inay ka shaqeyso Soomaaliya ka dib markii ay tagtay Somaliland.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Maamulka Duulista Hawada ee Soomaaliya (SCAA) ayaa u sheegay HOL, in Astral Aviation oo ah diyaarad xamuul oo fadhigeedu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay jebisay xayiraadda ay soo saartay hay’addu.

Duulimaadka Astral Duulista ayay Kenya fasaxday 13-kii Maajo si loogu raro agabka lagu qabanayo doorashooyinka Somaliland oo dhici doona 31-ka May 2021.

In kasta oo Astral Aviation ay ku jirtay duulimaad kiro ah oo ay ku tagtey Somaliland, haddana go’aanka hay’adda duulista hawada Soomaaliya wuxuu saameyn ku yeelan karaa howlaheeda mustaqbalka ee Soomaaliya sababo la xiriira luminta xuquuqda soo degitaanka.

Kenya ayaa xayiraad saartay duullimaadyadii aadi jiray ama ka imaan jiray Soomaaliya usbuucii la soo dhaafay laakiin ma aysan sheegin sababaha ku kalifay go’aankaas.

Go’aanka xayiraada ayaa socondoona ilaa bisha August.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Onlineabdiwali.sheikh@hiiraan.com