Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shir looga hadlay duulaanka Israel ay ku heyso Falastiin

0
174

Isniin, May, 17, 2021 (HOL) -Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeybgashay shir gaar ah oo guddiga fulinta ururka iskaashiga Islaamka heer wasiir arrimo debadeed ay kaga doodayeen duulaanka Isra’iil ay ku qaaday dhulka reer Falastiin, gaar ahaan magaalada Barakeysan ee Qudus iyo howlaha rabshadaha wata ee laga geystay hareeraha masjidka Al-Aqsa.

Shirkani oo ku qabsoomay codsi ka yimid Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo ah shir-guddoonka kaltankani ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa ayuu ka jeediyay Wasiiru dowlaha khudbad uu ku caddaynayay mowqifka Dowladda Soomaaliya ee ka dhanka tacaddiyada Isra’iil ay ka geysanayso magaalada barakeysan ee Quddus.

Wasiiru dowlaha Wasaarradda Arrimaha dibadda Soomaaliya Balal Maxamed Cusmaan oo Soomaaliya ku matalayay shirkan ayaa yiri:”“Waxaan aaminsanahay in kulankan uusan ku imaan lahayn waqti ka wanaagsan, oo ka baahi badan kan maanta. Kulankaan wuxuu muujinayaa xaqiiqda in qadiyadda Falastiin iyo tan Masjidka Al-Aqsa ay weli tahay mudnaanta koowaad ee Dunida Islaamka.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxay sidaas darteed kula midoobeysaa dunida Islaamka inteeda kale baaqyada ah in la joojiyo qabsashada Isra’iil ee dhulka Falastiin iyo in la hubiyo xuquuqda dadka Falastiiniyiinta ee aayo-ka-tashi iyo in la dhiso dowlad u gaar ah iyada oo Bariga Qudus ay tahay caasimadeeda oo aan muran ka taagnayn.

Waxaan sidoo kale ka codsaneynaa bulshada caalamka inay qaadaan masuuliyad ku aadan baahida loo qabo in la joojiyo weerarada Isra’iil ay ku heyso dhamaan dhulalka Falastiin, lana ixtiraamo shuruucda iyo qawaaniinta caalamiga ah iyo in la soo celiyo xuquuqda dadka reer Falastiin oo ay ku jiraan xoriyadaha diinta.” ayuu yiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arimaha dibadda Soomaaliya.

Shirkan ayaa imaanaya xili maalmihii la soo dhaafay ay magaalada Quddus ka dhacayeen duqeymo ay Isra’iil ku beegsanayso deegaanada dadka Falastiiniyiinta ee dagan magaaladaasi.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com