Waare ” Dowladda Soomaaliya ayaa xayirtay $35 milyan oo loogu deeqay Hirshabeelle

0
18

Talaado, May, 11, 2021 (HOL) – Madaxweynihii hore Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa eedeyn culus u jeediyay dowladda Soomaaliya isaga oo sheegay xayirtay aduun lacageed oo dhan $35 milyan oo loogu talagalay in wax lagaga qabto fatahaada soo noq noqtay ee deegaannada HishabeelleQoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter ka ayuu ku eedeeyay Wasaarraddaha Maaliyada, Qorsheynta iyo waliba in ay ku lug lahaayeen joojinta lacagtaas oo ay dowladdaha Talyaaniga, Sweden, Midowga Yurub iyo Bangiga Adduunka ku deeqeen.

”’Waa wax laga xumaado in ay deeq lacageed oo dhan $35 milyan  dowladda Soomaaliya iska hortaagto in wax loogu qabto dadka ku dhaqan deegaannada Hirshabeelle, gaar ahaan Wasiirradda Qorsheynta, Maaliyada iyo Baaraha oo arrinta ku lug lahaa” ayuu yiri Waare.

Eedeynta madaxweynihii hore ee Hirshabeelle ayaa imaneysa xili magaalada Jowhar inteeda badan ay rogmadeen dadaad ka soo fatahay wabiga Shabeellaha oo karkaarada jabsaday, halka dhinaca kalana magaalada Beledweyne Wabigu gaaray xaadkii loogu tala-galay inkastoo dadaallo la sameeyay lagu guuleystay in Wabiga laga neefo meelo kala duwan.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com