Midowga Afrika oo AMISOM waqtiga u kordhiyay illaa bisha Diseembar 2021

0
96

Arbaco, May, 12, 2021 (HOL) – Midowga Afrika ayaa sheegay in howlgalka AMISOM, ay heli doonaan waqti kordhin ku eg  31-ka bisha Diseembar ee sanadkan, taasoo soo afjari doonta hubanti la’aanta dhinaca amniga ee dalka oo ay doorashooyin kusoo wajahan yihiin.

Go’aanka ayaa la gaadhay Talaadadii shalay intii lagu guda jiray shirkii 15-ka xubnood ee Golaha Nabadda iyo Amniga ee AU.

War murtiyeed laga soo saaray kulanka kadib ayaa lagu sheegay in la isku raacay heshiis guud oo lagu kordhinayo waqtiga howlgalka.

Golaha amniga Midowga Afrika ayaa waxay isku raaceen in waqtiga loo kordhiyo AMISOM illaa 31-ka Disember 2021.

Go’aanka ayaa hadda loo gudbin doonaa Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, oo siiya amarka rasmiga ah ee AMISOM, si ay cod uga qaadaan dabayaaqada bishan.

AMISOM, oo ku sugneyd Soomaaliya tan iyo 2007, waxaa aas aasey midowga afrika si loo xasiliyo dowladda federaalka ee curdanka ah. Tan iyo xilligaas, waajibaadkooda ayaa la kordhinayay sannad kasta, sababo la xiriira dhibaatooyinka amni ee ka imaanaya kooxda al-Shabaab.

Sannadkan, Midowga Afrika iyo UN qorshahoodu wuxuu ahaa in ciidamada ka hoos shaqeeya AMISOM ay bilaabaan inay si tartiib tartiib ah uga baxaan, marka la gaaro Diseembar 2021-na ay dalka ka baxaan, marka laga reebo shaqaale farsamo.

Si kastaba ha noqotee, Midowga Afrika ayaa ka gaabiyey bixitaanka ka dib markii daneeyayaasha arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya ay ku heshiin waayeen jadwalka siyaasadeed ee ah in la qabto doorashooyinka dadban ka hor 8da Febraayo.

Bishii march ee sannadkan ayay ahayd markii AMISOM loo kordhiyay muddo xilloodkooda oo ku ekaa bishaan may.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Onlineabdiwali.sheikh@hiiraan.com