Gollaha Amaanka Qarramada Midoobey oo mar kale warbixin ka soo saaray xaalada Soomaaliya

0
272

Sabti, April. 24, 2021 (HOL) – Gollaha Amaanka Qarramada Midoobey ayaa mar kale warbixin ka soo saaray toddobaad gudihii xaalada cakiran ee siyaasadda Soomaaliya, iyaga oo ku baaqay in lagu laabto miiska wada hadallada si loo xaliyo muranka la xiriira arrimaha doorashada.

Qoraalka ka soo baxay Golaha Amniga ayaa lagu sheegay in khilaafka dhinaca siyaasada ee Soomaaliya uu dareenka ka weecinayaan dhibaatooyin joogto ah; oo ay ka mid yihiin daadadka, abaaraha, ayaxa, COVID-19, iyo la-dagaalanka halista kooxda Al-Shabaab, oo dhamaantood ka sii darri doona haddii aan si deg deg loo soo ajarin muran siyaasadeedka taagan.

Golaha ayaa meesha ka saaray in Soomaaliya xiligan xamili karto is jiid jiid siyaasadeed oo muddo labo sano kale sii socda, sidaa daraadeed ay muhiim tahay in deg deg wada hadal loo galo sii loo soo anbaqaado heshiiskii 17kii September ee doorashada.

“Xubnaha Golaha Ammaanka waxay hoosta ka xariiqeen in heshiis la gaaro uu muhiim u yahay hanaan kasta oo doorasho in si guul leh loo fuliyo. Waxay xuseen in heshiiska 17-ka September uu yahay aas-aaska kaliya ee ay taageereen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan dowlad goboleedyada,” ayaa lagu yiri bayanaka.

Waxaa uu si buuxda u taageeray Goluhu go’aankii Golaha Amniga Midowga Africa uu ku qaadacay muddo korarsiga labada sano ah ee dowladda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraalkan mar kale ka soo baxay Golaha Amaanka Qarramada Midoobey ayaa muujinaya sida uu Goluhu amiyad gaar ah u siinayo xal u helida mashaakilka siyaasadeed ee waqtiga ka taaggan dalka Soomaaliya iyo saamileydu ka heshiiyaan ismariwaaga doorashada ee u dhaxeeya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com