Shariif Sheekh Axmed iyo Taliyaha xoogga dalka Soomaaliyeed oo kulmay

0
525

Sabti, April, 17, 2021 (HOL) -Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan xalay la qaatay taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jen Odawaa Yuusuf Raagge.

Taliyaha oo taggay hoyga uu magaalada Muqdisho ka tagan yahay Shariif Sheekh Axmed ayaa dhab ahaan la ogeyn waxa ay ka wada hadleen labada dhinac .

Laakiin ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Shariif Sheekh Axmed uu ka dalbaday taliyaha ciidanka xoogga dalka in aan ciidamada loo adeegsan arrimaha siyaasadda.

Madaxweynayaashii hore  ayaa sheegay dhawaan in taallaabadii uu qaaday Baarlamaanka Soomaaliya ee muddo kordhinta ay horseedi karto in dalku dib dagaal ugu noqdo, waana tan ugu weyn ayaa leys leeyahay sababta kulanka labada mas’uul

Labadii maalmood ee la soo dhaafay magaaalada Muqdisho waxaa ka soconayay kulamo siyaasadeed oo iska soo horjeeda oo dhamaantood salka ku haya mudo korarsiga labada sano ee Baarlamaanku meel mariyay.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com