Dowladda federalka Soomaaliya oo ku eedeeysay Puntland iyo Jubbaland in ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn

0
117

Arbaco, April, 07, 2021 (HOL) – Dowladda federalka Soomaaliya ayaa ku eedeeysay Puntland iyo Jubbaland in aysan rabin in dalka ay ka dhaco doorashado asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii Febraayo.

Warsaxaafadeed kaasoo baxay xukuumada federalka oo lagu daabacay warbaahinta qaranka ayaa lagu sheegay in labada madaxweyne goboleed ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn.

“Xukuumaddu waxa ay maanta u caddayneysaa Umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne Goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii Febraayo. Waana wax laga xumaado in labadaas Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn,” ayaa lagu yiri qoraalka xukuumada Soomaaliya.

Xukuumadu waxay sheegtay shirkii socday illaa 3-dii April in Madaxda Puntland iyo Jubaland ay keeneen shuruudo cusub oo ay kamid ahayd in Baarlamaanku shaqada joojiyo oo la naafeeyo, Madaxweynuhu awooddiisa dastuuriga ah wareejiyo, Xukuumaddu noqoto magac-u-yaal, ajanebigu door ku yeeshaan talada Dalka iyo in shaqada laga fariisiyo Taliyayaasha Ciidammada Qalabka Sida.

Hadalkan kasoo yeeray dowladda ayaa kusoo beegmaya kadib markii la sheegay inuu maanta fashilmay shirkii ka socday xerada Afisyoone oo lagu heshiin waayay ajendayaashii horyaalay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Onlineabdiwali.sheikh@hiiraan.com