Jubbaland oo ka hadashay heshiiska Dowladda Soomaaliya iyo Cabdirashiid Janan

0
134

Khamiis, Maarso, 25, 2021 (HOL) –  Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Dowlad Gobolleedka Jubbaland Cabdi Xusseen Sheekh Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay mowqifka Jubbaland ee la xiriira heshiiska dhaxmaray Dowladda Federaalka iyo Cabdirashiid Janan.

Wuxuu sheegay Wasiirka in heshiiskaasi waxba saameyn ah ku yeelan doonin mowqifkii Jubbaland ee xaalada gobolka Gedo , waxaana uu intaa ku darray in Cabdirashiid Janan uu ahaa xubin ka tirsanaa Jubbaland laakiin hadda isaga baxay.

”Heshiiskaasi mar danbe ayaan ka war helnay muhiim ma’aha waqtigii uu soo socda wada hadalkan, laakiin waxaa muhiim ah in uu hadda heshiis dhacay, Annaga ka Jubbaland ahaan waxba iskama badalin mowqifkeenii Gedo, ciidamadiina sidoodii ayeey u joogaan aagagii aan ugu talagalnay’ ayuu yiri Wasiirka.

Cabdirahiid Janan oo maalintii shalay la hadlay BBC ayaa sheegay in wixii hadda ka danbeeya la gudagali doono dhismaha Jubbaland loo dhan yahay, maadaama ayuu yiri waligeedba aan heshiis lagu noqon.