Qarramada Midoobey” wey sii soconayaan kulamada gaar gaarka ah ee madaxda Soomaalida ilaa heshiis laga gaarayo

0
190

Talaado, Maarso, 23, 2021 (HOL) –  Iyadoo maalintii shalay uu fashilmay shir la doonayay in uu si rasmi ah uga furmo teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho kaa oo qorshuhu ahaa in ay ka soo qeybgalaan dhamaan madaxda DF iyo Dowlad Gobolleedyada   ayaa waxaa arintaa war ka soo saaray xafiiska Qarramada Midoobey ee Soomaaliya.

Qarramada Midoobey ayaa sheegtay in ay ka war heyso hor dhac ay oo yeesheen madaxda Federaal iyo qaar ka mid ah dowlad gobolleedyada hasse ahaatee uusan aheyn mid rasmi ah, basle maalmaha soo socda la sii wadi doono wada hadallada arintan ku saabsan si xal kama danbeys ah loo gaaro.

Hadalka Qarramada Midoobey ayaa imanaya xili maalintii shalay goobta shirka loogu talagalay ku kulmeen madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Ra’iisal Wasaare Rooble, madaxweynayaasha dowlad Gobolleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir.

Wasiirka Wasaarradda Warfaafintan Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo markii uu shirkaasi soo idlaaday la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu soo xirmay wajiggii koowaad sida uu hadalka u dhigay shirka madaxda DF iyo Dowlad Gobolleedyada.

Laakiin beesha caalamka ayaa shirkaasi ku tilmaamtay mid hor dhac oo kaliya ahaa laakiin aan loo fasiri karin shir rasmi ah oo u furmay dhinacyada oo dhan.

Madaxweynayaasha dowlad Gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa dalbanaya in marka hore xal loo helo qoddobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arinta saraakiishii ku lugta laheyd dhacdadii 19 Feberaayo lagu weeraray xubnaha mucaaradka iyo waliba in hoos loo dhigo awood madaxweynaha oo qeyb ahaan ;lagu wareejiyo Ra’iisal Wasaaraha.

Sidoo kale labada madaxweyne ayaa siweyn uga biyo diidan ajandaha shirka oo ay Dowladda Federaalka ku sheegtay in la sii anbaqaadayo go’aamadii ay guddiyada heer Federaal iyo Dowlad Gobolleed ku gaareen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Beesha caalamka ayaa ku howlan sidii ay leysugu keeni lahaa dhamaan madaxda Soomaalida heshiis buuxana looga gaari lahaa arrimaha doorashada.