Dowladdaha Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay xiriirka labada dal

0
224

Talaado, Maarso, 23, 2021 (HOL) – Kulan dhaxmaray  Wasiirro Arrimo dibaddeedka dowladdaha Soomaaliya iyo Masar ayaa looga wadahadlay xiriirka labada dal.Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa dhiggiisa dalka Masar Saamix Shukri kala hadlay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashiga labada dhinac ka dhaxeeya.

Afhayeen u hadlay Wasaarradda Arrimaha Dibadda Masar Axmed Xaafid ayaa warbaahinta u sheegay in kulanka sidoo kale looga hadlay horumarada kala duwan ee ka socda geeska Afrika iyo sidii la isaga kaashan lahaa xasiloonida iyo nabad gelyada qaaradda Africa.

Wafdiga la socda Wasiirka Arrimaha dibadda xukuumaada Federaalka Soomaaliya waxaa ka mid ah Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya Xasan Macallin Khaliif.