Saldhiga garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo la hoos geeyay taliska qeybta gobolka Banaadir

0
334

Sabti, Maarso, 20, 2021 (HOL) – Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Jenaraal Cabdi Xasan Xijaar ayaa wareegto kasoo baxday xafiiskiisa waxaa taliska qeybta gobolka Banaadir lagu hoos geeyay Saldhiga garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Saldhiga garoonka  Aadan Cadde ayaa markii hore wuxuu ahaa mid madax banaan, balse talaabadan lagu hoos geeyay Taliska guud ee qeybta gobolka Banaadir ayaa ka dhigeysa in awooda magacaabista iyo xilka qaadista uu leeyahay Taliska gobolka Banaadir .

lama oga sababta  rasmiga ah ee ka dambeysa arintan Saldhiga garoonka Muqdisho loogu hoos geyay taliska gobolka Banaadir waxaaysa kusoo beegmeysa xili mudooyinkii dambe dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed aay ka jireen garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxii ka dambeyay markii aay Xerada Xalane oo xeendaab la leh garoonka Aadan Cadde aay dageen madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa shirar kula yeelanayeen masuuliyiin kala duwan oo ka mid ah midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya.