Dagaal culus oo xalay ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo

0
180

Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL) -Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xoogagga Ururka Al-shabaab xalay weerar culus ku qaadeen degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-shabaab weerar culus ku qaadeen Bar-control oo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin Buundada degmada Luuq-Ganaane iyadoo weerarka kaddib uu dagaal culus dhaxmaray Al-shabaab iyo ciidamada ku sugnaa goobta.

Dhinaca saraakiisha dowladda oo iska horimaadkan ka hadlay ayaa guulo ka sheegtay dagaalka oo ay ku dileen sida ay hadalka ku dhigeen xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Wararku waxaa ay sheegayaan in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray labada dhinacba ee dagaalku dhaxmaray.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com