Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay maalmo baroordiiq Qaran ah kaddib geeridii Cali Mahdi

0
133

Khamiis, Maarso, 11, 2021 (HOL)  – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa amray in muddo saddex cisho ah calanka hoos loo dhigo kaddib geeridii ku timid alle ha u naxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

Qoraal ka soo baxay ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu yiri ” Waxaan muddo saddex cisho ah hoos u dhigaynaa calanka Jamhuuriyadda si aan u muujinno murugada geeridan ku timid madaxweynihii hore ee dalka, iyadoo la magacaabayo guddi ka shaqeeya Aas-Qaran oo loo sameeyo marxuumka, si loo maamuuso dadaalkii uu ku bixiyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Alle ha u naxariisto  Cali Mahdi uu door weyn ka qaatay dowladnimada dalka. iyadoo laga xanuusanayo sida ay uga go’nayd in dib loo soo celiyo dowladnimada Soomaaliyeed.

Cali Mahdi ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaana uu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991kii.