David de Gea Mise Dean Henderson? Rio Ferdinand Oo Doortay Goolhayihiisa 1-aad Ee Man United.

0
166

Halyeeyga Kooxda Man United ee Rio Ferdinand ayaa hoos u dhigay fursadaha uu Goolhaye Dean Henderson booska ugala bixi karo Goolhaye David de Gea isaga oo wali dareensan in uu Goolhayaha reer Spain yahay dookha 1-aad ee kooxda.

De Gea ayaa u safray dalkiisa Spain sababo shaqsi ah waxana Goolka ku bilowdayy Goolhaye Dean Henderson kaas oo kulamada soo socda ciyaari doona.

Markii Ferdinand la waydiiyay in uu Henderson booska kala bixi doono De Gea ayuu yidhi”Dhagayso, waa boos dagaal loogu jiro”.

“Laakiin sida uu Ole sheegay Henderson waxa uu sii buuxinayaa in uu De Gea maqanyahay”.

“Sidaas darteed Marka uu De Gea soo laabto waxa uu ku soo laaban doonaa shaxda sababta oo ah De Gea waa Goolhaye muhiim u ah kooxda”ayuu sii raaciyay.