Su’aalaha aan wali jawaabaha loo helin ee ku saabsan weerarkii xabsiga Boosaaso

0
343

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa ka digay in aanan la isku fiirsan weerrarada uu sheegay inay soo qaadayaan waxa uu ku tilmaamay argagixisada ayna tahay in la iska kaashado sidii hal dhinac loogaga soo wadajeesan lahaa.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu ka hadlayay magaalada Boosaaso halkaas oo tan iyo shalay ka socday howlgal ka dhan dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab oo Xabsiga Dhexe ee magaaladaasi weerrar ku soo qaaday.

Ilaa iyo hadda waxaa jira dhowr arrimood oo aan kala caddeyn laba maalmood ka dib markii ay Shabaabka weerarkaasi soo qaadeen. Arrimahaasi waxaa ka mid ah :

Tirada Maxaabiista ee ay Shabaabku furteen

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay xabsiga ka sii daayeen 400 oo maxbuus. Balse dowladda Puntland ayaan ilaa hadda warkaasi xaqiijinin ama beenin wali. Ilo wareedyo la hadlay -da oo ka tirsan dowladda Puntland ayaa sheegay inay wali wadaan baaritaan ku aadan tirada dhabta ah ee baxsatay.

Jeelka wayn ee magaalada Boosaaso ee weerarka ay Al-shabaab ku ekeeyeen ayaa la sheegay inay ku xirnaayeen boqollaal maxaabiis ah, kuwaas oo la sheegay in qaar ka mid ah u xukunnaayeen amaba ku eedaysnaayeen falal aragaxisnimo.Ururka Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda weerrarkii Boosaaso ayaa baahiyay inay la baxeen dhammaan maxaabiistii halkaas ku jirtay.

Maxaabiis dib loo soo qabtay

Intii uu socday dagaalka u dhexeeya ciidammada Puntland iyo kuwa Shabaabka ayaa la sheegay in ciidammada Puntland ay gacanta ku dhigeen maxaabiis dagaalka lagu qabtay. Tiradoodase wali ma cadda. Ilo wareedyada qaar ayaa sheegaya inay gaarayaan ilaa iyo 10 maxbuus. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in qeyb badan oo ka mid ah maxaabiistii baxsatay la dilay ama la soo qabtay balse toro sax ma uusan shaacin madaxweynaha.

Khasaaraha dagaalka socday

Waxaa ilaa shalay duleedka Boosaaso ka socday dagaal xooggan oo u dhexeeya labada dhinac, balse ilaa iyo hadda ma jiraan macluumaad ku saabsan khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac.

Siday ku dhacday inay Shabaab maxaabiis furtaan.

Masuuliyiinta Puntland ayaa wada baaritaan ku aadan sida ay ugu suuragashay Shabaab inay soo weeraraan xarunta dhexe xabsiga haddana ay maxabiis furtaan.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in mararka qaar ay dhacaan weerarro noocan oo kale oo la soo abaabulay oo lagu bartilmaameedsado meelaha qaar, weerrarkii habeen horana uu noocaas oo kale uun ahaa, hasayeeshee in badan la fashiliyay iskudayo hore midkii ugu dambeeyayna sidaas oo kale loo fashiliyay. Waxa uuse madaxweyne Deni carrabka ku adkeeyay in ciddii weerrarkaas fududaysay baaritaan kaddib la marsiin doono ciqaabta ay mudan yihiin.

“Waxaa baaritaan ku socdaa cidda u sahashay inay suurogal u noqoto inuu hawlgaalsi u suurogalo, waxaana rajeynayaa ciddii ay ku cadaato iney qeyb ka qaadatay ay heli doonto ciqaabta ay mudantahay.”

Hadalkii Deni ee maanta

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka warbixinayay halka uu marayo dagaalkii tan iyo shalay ka socday meel aan sidaas uga fogayn magaalada Boosaaso.Madaxweynuhu waxa uu sheegay in 80% lagu guulaystay howlgalkii ay wadeen ciidammada Puntland, ciidammadii weerrarka soo qaadayna qeyb badan oo ka mid ah la laayay, howlgalkana uu socon doono illaa laga cirib tirayo ciidammadii weerrarkaasi soo qaaday.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Soomaalida ay tahay inay kala saaraan loollanka siyaasadeed iyo la tacaalidda weerrarada uu sheegay inay uga imanayaan Al-Shabaab iyo Daacish, sidaas daraadeedna ay tahay inay ka wada shaqeeyaan ammaanka.

“Arrimaha ku saabsan amniga iyo la dagaallanka argagixisada ma ahan arrimo ku milmi kara aragtiyada siyaasadeed ee bulshada Soomaaliyeed, marxaladdaan adag ay la daalaa dhacayso.”

“Waxaan aad u rajeynayaa in lakala saaro labada qaddiyadood ee argagixisada oo aan siyaasad sal ku lahayn, runtii labadaa ajande waa inay Soomaalida ku baraa’rugaan oo mararka qaarkood la isku fiirsan oo aan cid gaar ah lagu hallayn.”

10-kii sano oo udanbeeysay ayaa buuraha Galgala ee u dhaw magaalada Boosaaso waxaa ku dagaalamayay ciidammada Puntland iyo kuwa Al-Shabaab, iyadoo mararka qaarna ay Shabaabku weerraro ka geeeystaan magaaladaasi.