Ilhaan Cumar ” Waa in la ciqaabaa dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman

0
140

Arbaco, Maarso, 03, 2021 (HOL) – Iyadoo dhawaan warbixin ka soo baxday Sirdoonka Mareykanka lagu sheegay in dhaxal sugaha Amiirka dalka Boqortooyada Sacuudiga uu lahaa saxiixa dilka wariyihiin weynaa ee Jamaal Khaashuqi, ayaa dhinaca kale waxaa soo baxaya cambaareynta arintaa la xiriirta ee ka dhanka ah Amiirka.

Ilhaan Cumar oo ah mudane ka tirsan Aqalka Congress -ka  Mareykanka ayaa dalbatay Aqalka hoose in uu cuna-qabateyn saaro Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman.

Ilhan ayaa sheegtay, in ay Maxamed Bin Salman lagu ciqaabo, doorki uu ku lahaa dilki qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul loogu geystay, wariye Jamal Khashoggi, sannadki 2018-kii.

Ilhaan ayaa tiri “Tani waa tijaabada bani’aadannimadeenna. Haddii Mareykanka uu si dhab ah u taageero xorriyadda hadalka, dimoqraadiyadda iyo xuquuqda aadanajha, ma jirto sabab aanan cuna-qabateyn loo saarin Mohammed bin Salman oo ah ninka ay sirdoon-keenna xaqiijiyeen inuu dilay Jamal Kashoggi oo ahaa saxafi degannaa Mareykanka”

Washington ayaa todobaadki hore cuna-qabateyn saartay in ka badan 60 muwaadin oo Sacuudi ah, balse kuma jirin Maxamed Bin Salamn.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com