Faahfaahino kasoo baxaya Wiil dhalinyaro ah oo Xalay lagu dilay magaalada Baledweyne

0
131

Arbaco, Maarso, 03, 2021 (HOL) – Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya wiil dhalinyaro ah oo Xalay lagu dilay magaalada Baledweyne kaasoo dilkiisa loo adeegsaday Tooreey ama Mindi.

Ragga dilka geystay ayaa la sheegay iney ku hubeysnayeen Tooreey ama Mindiyo, waxaana lagu magacaabi jiray wiilka la dilay Cabdishakuur Maxamed Beyle.

Dilka loo geystay wiilka dhalinyarada ah ayaa ka dhacay xaafada Xaawo-Taako ee magaalada Baledweyne gaar ahaan laanta Dhagaxjibis waxaana la sheegay ragga dilay iney wateen Mooto Bajaaj kuwaas oo doonayay iney ka dhacaan Moobeylka gacanta uu watay marxuumka.

“Wiilka dhintay Ragg Bajaaj watay ayaa Tooreeyo ula soo baxeen kuna amreen inuu talefankiisa gacanta dhiibo balse wiilka uu ka madax adeegay inuu dhiibo talefankiisa dabadeedna Tooreeydii ayay ku dhufteen dhaawac halis ah oo ka soo gaaray Tooreeydii lagu dhuftay ayuuna u dhintay, Burcadiina waay carareen iyagoo aanan qaadan Moobeylka aay wiilka u dileen” ayuu yiri mid ka mid ah dadka xaafada Dhagaxjibis.

Dhacdada dilka kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo halkaasi baaritaano ka sameyay inkastoo aaysan suurtagalin iney gacanta kusoo dhigaan raggii dilka geystay.
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
jamaal@hiiraan.com