Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii gantaalaha ee Xuutiyiintu ku qaadeen Sacuudiga

0
217

Isniin, Maarso, 01, 2021 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay weerar Gantaalo oo ay xuutiyiinta Yemen ku qaadeen Axaddii ay ku qaadeen magaalooyin ka tirsan Sacuudiga.

War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu yiri ”Soomaaliya waxay u aragtaa in weerarkan uu yahay mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah iyo kan Bani’aadamnimada isla markaana ah dambi argagixiso oo ka dhan ah meelaha la degan yahay, wuxuuna carqalad ku yahay dadaallada Qaramada Midoobay ku doonayso in lagu gaaro xal siyaasadeed oo dhammaystiran oo lagu soo afjaro colaadda Yemen” ayaa lagu yiri bayaanka soo  baxay wasaaradda.

Dowladda Soomaalia ayaa sidoo kale, sheegtay Boqortooyada Sacuudiga Carabiya ay xaq u leedahay in ay daafacto dhulkeeda ayna ilaaliso amnigeeda iyo bad-qabka muwaadiniinteeda.

Kooxda Xuuthiyiinta ayaa Gentaalo ballistic ah ku tuureen jihada caasimadda Sacuudiga Carabiya ee Riyadh iyo magaalooyin ka tirsan gobolka Jiizaan oo ay kamid tahay Khamiis Mushayti.Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com