Xulka Qaranka Soomaaliya oo Aad Loo Amaanay Guulahii ay Ka soo Hooyeen Koobkii Cecafa Cup ee Kampala

0
394

Waxaa Qoray Cabdiraxmaan Ducaale
Xulka Qarankeena Soomaaliya oo ka qayb galayay Koobka bariga iyo bartama Afrika oo Sanad-kan ka dhacayay Dalka Uganda caasimadiisa Kam-pala ayaa lagu amaanay ciyaar wanaagii ay muujiy-een intii uu Koobkan socday. Xulka Qaranka ayaa laba jeer barbar dhac galay halka marna badiyay marna laga badiyay ayaa muujiyay dadaal dheeri ah oo amaan usoo hoyday shacabka Soomaaliyeed meel walba uu kala joogo.
Dadka aadka ugu dhuun daloola arrimaha ciyaaraha ayaa sheegay in Sanadkan Soomaaliya ay la timid wax aan horay looga baran maadaama ay ka badisay koox marna aan lays la-hayn way ka badan doon-taa oo ah dalka Bu-rurndi.Cumar oo ah Gu-doomiyaha Ururka Ci-yaaraha ee Uganda ka dhi-san ayaa sheegay in Labadii jeer ay barbar dhaca gashay Soomaaliya ay sabab u ahayd cimilada oo saamayn ku yeeshay.
“Markii Soomaaliya iyo Walaalaha Jabuuti Ci-yaarayeen waxaa Garoonka ka da’ayay Roob saa’id ah oo qasbay in ciyaarta sidii loogu tala galay u dhacdo, sidaa oo ay tahay ayey Soomaaliya dhanka ciyaar wanaagga iyo baaska ka sarreysay Kooxdii la dhee-laysay ee Jabuuti” ayuu yiri Cumar.Liibaan Shiine, oo ka mid ah Dhallin-yarada aadka ula socday ciyaartaha Koobka bariga iyo Bartama Afrika ayaa sheegay in la dhihi karo Soomaaliya Sanadkan waxa ay soo hooysay guul lagu faani karo maadaama ay Koox adag oo Guri-geeda lagu dheelayo ay iska baacisay iyagoo guul dirqi ah halkaas ka qaatay.
“Uganda xulkeeda waa xul aad u adag oo miisaani-yad leh, ahna kooxaha ugu adag ee Koobkan Cecafa Cup dheelaya waliba jooga dhulkooda hooyo ayeey 0-2 guusha ku raacday kooxda Uganda, iyadoo xilliyadii hore Soomaaliya marka ugu yaraato looga badin jiray 0-4 iyo wax ka badan” ayuu yiri’ Liibaan Shiine oo SONNA u waramayay.Soomaaliya oo laba mar bar bar dhac gashay halka marna badisay marna laga badi-yay ayaa ku hartay oo ka-liya dhibco ee aan ku harin guul-darro sida uu qabo Cumar oo ah Gudoomi-yaha Ururka ciyaatoyda ee Uganda ka dhisan.
Waxaa jira lacago lagu xiray wadamada in ay bixi-yaan si koobkan uga qayb galaan, waxaana dhacday in wadamo ay ka mid yi-hiin Etoobiya, Eretria, Ru-wanda, iyo Koofurta Sudan ay ka maqnaayeen koobka, hadiisa wadamadaasi ci-yaari lahaayeen waxaa hubaal ahaan lahaa in Soomaaliya soo bixi la-hayd” ayuu yiri Cumar.
Cumar iyo Liibaan Shi-ine ayaa Sonna u sheegay in hadii Xulkeena Soomaaliya heli lahaa daryeelka ay heestaan wad-damada kale xulkooda laga yaabi lahaa guulaha ay soo hooynayaan waayo bey yiraahdeen xulkeena Qaranka waxay ka kala yimaadeen dalal kala du-wan oo in ay kulmaan waxaa ugu horaysay markii ciyaarta ka dhineed oo kaliya maalmo si ay tabaa-bar kooban iskula qaataan.
Dowladda Soomaaliya ayay ugu baaqeen in ay xooga saarto daryeelka iyo maal-gelinta xulka Qarankeenna Soomaaliya oo Waddama ugu yar ee qarash ku bixiya ay Sanad-kii siiyaan xulkooda Shan milyan oo Dollar, halka Soomaaliya marka ay ci-yaar jirto oo keliya la tabo.
Ugu dambeyntii guulaha xulkeenna qaranka Soomaaliya ayaa aad looga dareemay Caalamka dacal-ladiisa, iyadoo laga rajo qabo in xulkeenna Sanadaha soo socda uu noqdo xulka ugu fiican Dalalka Africa
Taageerayaasha Shacabka Soomaaliyeed ■