Maxaa Horseedi Kara In Ilmahaaga Horumar Ka Gaaro Waxbarashada: Q2aad

0
304

Wabilaahi Towfiiq.
Dr. Mohamed Xasan
Ilmaha oo loo sameeyo jadwal joogto ah:
Ilmuhu waa inuu leeyahay jedwal joogto ah oo uu raaco. Tusaale ahaan waa iney ilmaha u kala baxsan yihiin wakhtiga wax ak-hriska, wakhtiga ciyaarta, nasashada, wakhtiga cun-tada iyo wakhtiga hurdada. Haddii uu jedwalku isku qasmo waxaa dhaceysa in ilmuhu jahwareero isla markaasna uu garan waayo qaabkii uu wax u wadi lahaa.
Si ilmuhu ula qabsado jedwalkaan wuxuu u baa-han yahay caawinaada aabaha iyo hooyada. Tusaale ahaan kolka il-muhu sameynayo shaqada iskuulka looga soo diray waa in uu helaa waxyaalaha u sahli kara inuu howshiisa guto. Waa in ilmuhu haystaa qalmaan kala duwan, kuwa midabka leh iyo kuwa caadiga ahba, mastarada wax lagu cabiro, miis iyo kursi wanaagsan, nal ifiin fiican leh iwm.
Meesha ilmhu wax ku baranayaan waa iney ahaataa meel degan oo aan qaylo lahayn. Waxaa haboon in waalidku ilmaha la joogo kolkii uu howsha iskuulka sameynayo ama waa inuu meeshaas ka ag-dhow yahay. Waa in dhamaan waxyaalaha ar-dayga khal-khalka gelin kara laga fogeeyaa goobta akhrisa. Waxyaalahaas waxaa ka mid ah Raadiayaha, Tv-ga, Kom-puterka iyo wax kasta oo ilamaha mashquulin kara.
Ugu dameynta kolkii uu ardaygu howsha iskuulka dhameeyo, waxaa haboon in waalidku eego buugga ilmaha si uu ula socdo meesha wax marayaan.
Xiriir la Sameyso Isku-ulka:
Waxaa lagama maar-maan ah in waalidku xiriir joogto ah la yeesho isku-ulka ilmuhu dhigto. Waa in waalidku tagaa iskuulka kolkii uu sannad dugsiy-eedku bilaamo si ay isu bartaan macalimiinta iyo maamulka dugsiga. Taasi waxay keentaa in waalidku noqdo mid laga tixgeliyo iskuulka. Macalimiintuna waxay noqonayaan kuwo mar walba kula socodsiiya hadba meesha ay tacliinta ilmahaagu mareyso iyo waxyaalaha loo baahan yahay in ardayga laga kaalmeeyo.
Waxaa haboon in waalidku ku biiro guddi-yada kala duwan ee isku-ulka. Haddii taasi aaney suuro-gal ahayn waxaa haboon in waalid kale oo Soomaali ahi galo guddi-gaas si uu waalidiinta kale ee Soomaaliyeed ula so-codsiiyo halka ay howlaha guud ee dugsigu marayaan.
Waxaa iyana muhiim ah in waalidku usbuuciiba halmar soo booqdo isku-ulka ilmaha si uu indhihhiisa u arko siyaa-baha kala duwan ee ilmaha wax loo baro. Waxaa loo baahan yahay in waalidku macalimiinta u sheego fikirkiisa ku wajahan hab-sami u socodka tacliinta ilmaha. Weydii macalimi-inta maalmaha la doonaayo in las oo celiyo shaqooyinka ilmaha loo diray.
Waxaad kaloo weydiisaa haddii ay jiraan waxyaalo kale oo dheeraad ah oo ilmahaagu u baahan yahay. Su’àalaha noocaas ah waa kuwo ay macalimiintu aad u qiimeeyaan. Waxaana waalidka loo arkayaa waalid dadaal badan oo aad u halgamaaya.
Kalsoonida Ilamaha oo la dhiso:
Waa in waalidku aad ugu dadaalaa in la dhiso kalsoonida ilmaha. Waa in ilmaha laga ilaaliyaa wax walba oo keeni kara niyad jab. Waxyaalaha ilmaha qalbadooda aan ka goìn, niyad jakana ku rida waxaa ka mid ah ereyadaan soo socda:
Waxaad tahay damiin. Waxba ma taqaanid. Maskaxda ayaad la`dahay? Hebel ayaa kaa fiican, iwm. Waxaa kaloo ilamaha niyad jebiya in ilamaha lagu ceebeeyo ilmo kale hortooda. Waxaa haboon in ilmaha kolkii wax loo sheegaayo aan xitaa walaalihiis hortooda loogu sheegin ee si gaar ah loogu sheego.
Waxaa waalidka laga doonayaa inuu ilmaha ka dhiso meelaha uu ku liito isaga oo aan dhaawacaynin kalsoonida ilmaha. Haddii ay taasi kugu adkaato isku-day inaad la kaashato mac-alimiinta Soomaaliyeed ee arrinkan khibrada u leh. Bar ilmahaaga inuu qaado mas’uuliyadda tacliintiisa, una muuji inaad adigu tahay mid kaalmeynaya.
Ilmuhu waxaa ay jecely-ihiin iney mar walba mata-laan oo ku daydaan waalidka sidaas darteed waxaa waalidka laga doonayaa iney noqdaan tusaale fiican. ■