Biden oo qaadaya bandowga lagu soo rogay dadka ka imaanaya wadamada Muslimka

0
210

xad  Janaayo, 17, 2021 (HOL) – Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa in uu qaado dhamaanba xayiraadaha dhinaca socdaalka ah ee saaran dadka ka imanaya wadamada muslimka ah islamarka uu xilka la wareego.

Sida laga soo xigtay la taliyaha Biden ayaa marka la dhaariyo tallaabada ugu horeysa ee uu qaadayo waxaa ay noqon doontaa uu meesha ka saaro dhamaanba xayiraadihii uu soo rogay madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Donald Trump.

Dadka ka faa’ideysan doona tallaabadan la filayo in uu qaado madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka ah ayaa waxaa ka mid ah dadka Soomaaliyeed oo u xayiran go’aankii uu horay ugu soo rogay madaxweyne Trump,

La noqoshada amarka ayaa faaido weyn u noqon doonta Soomaalida ka go’day qoysaskooda tan iyo markii amarkii ugu horeeyay uu dhaqan galay sanadkii 2017.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com