Guddoomiyaha gobolka Waqooyi Bari Kenya oo beeniyay in Al-shabaab 50 % maamulaan degmada Mandera

0
182

Sabti, Janaayo, 16, 2021 (HOL) – Nicodemus Musyoki Ndalana, Guddoomiyaha Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalkii ka soo yeeray guddoomiyaha Mandera Ali Roba oo sheegay in 50 % Al-shabaab maamulaan degmada.

“Taariikhda, Mandera marka la eego waxaa ay ka mid tahay gobollada xudduuda dhaca ee sida weyn uga faa’ideystay hormarinta kaabayaasha Amniga oo ay dowladdu bixiso, ” ayuu Ndalana ku yiri hadal uu ka soo saaray Nairobi.

Guddoomiyaha Mandera Ali Roba ayaa sheegay in Al-Shabaab  ay la wareegeen ama maamulaan kala bar marka la eego degmada uu guddoomiyaha ka yahay iyo waddooyinka Kenya.

Waxaa uu intaa ku darray in gobolka oo dhan uu khatar ugu jiro in uu gacanta u galo Al-shabaab  iyadoo ay socdaan weerarro joogto ah oo lala beegsanayo Guryaha, Iskuulada, Xarumaha Caafimaadka, Saldhigyada Booliska iyo Qalabka isgaarsiinta.

Guddoomiyaha gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegay in ay jirto khatar ka imaeysa dhinaca Al-shabaab laakiin xaalku uusan gaarsiisneyn sida uu hadalka u dhigay guddoomiye Roba.

Ndalana wuxuu sheegay in Waxbarashadii ay dib uga bilaabatay gobolada Waqooyi Bari iyadoo Amaanka la adkeeyay isagoo intaa ku darray in dowlada Dhexe ay sare u qaaday waciyga bulshada iyo awoodsiinta dhalinyarada si loo yareeyo Khatarta Al-shabaab.