Qof Shan Kun Oo Shilin Soomaali Ah Darteed Loogu Diley Jowhar Iyo Dibadbax Dhacay

0
61

Askari la sheegay in uu ka tirsanaa ciidanka maa-mulka Hirshabelle ayaa wuxuu nin shacab ah oo ka mid ah dadka suuqa Kal-luunka ku iibiya Kalluunka ku diley suuqa magaalada Jowhar ee gobolka Shabel-laha Dhexe..
Sida ay inoo sheegeen dad ku sugan halkaas dilku ka dhacay ayaa sheegay in askarigu ka dalbaday ninkan inuu bixiyo lacag gaaraysa Shan Kun oo shilin Soomaali ah, balse ninkii ayaa u sheegay inaanu hayn lacagtaas, kana codsadey in uu u soo laabto markii ay wax u gadmaan. Askariga ayaa intaasi ka dib la sheegay in uu madaxa xabad uga dhuftay ninkii ka ganac-sanayey Kalluunka, hal-kaasina isaga baxsaday. Xaaladda Jowhar ayaa dilka ka dib isbedashay, waxaana isku soo bax sameeyey dadweyne badan oo arrinataasi ka xu-maaday.