Dooro Maxamuud Jaamac

0
382

W/Q Mahdi Taakilo
Somali Link Newspaper
Waxaa tartanka xaafada 25aad doorashadeeda ku jira Maxamuud Jaamac oo dadka badankiisu u yaqaanaan Injineer Maxa-muud. Eng: Maxamuud wuxuu u tartamayaa kur-siga xaafada 25aad oo ay deggan yihiin Soomaali aad u badan. Mar aan wax ka waydiinay sababta uu u doonayo in jagadan loogu doorto wuxuu Maxamud yiri “Dadka Soomaaliyeed ee deggan xaafadani waxay doonayaan in ay helaan qof ay fahmi karaan, qof u adeega dana-hooda markii la doorto, qof iyaga matala, cadkoo-dana u soo dhacsha, aniguna waxaan ahay qofkaas ay doonayaan”.

Eng. Maxamuud Jaamac waa aqoonyahan ka soo baxay Jaamacadda wayn ee Ohio State University, wuxuuna ku takhasusay cilmiga kombuyuutarka, Maxamuud waa aabe dha-lay sagaal carruur ah, wuxuuna qabaa xaaskiisa Bishaaro muddo ka badan 18 sano.
Mar aan wax ka waydii-nay wuxuu u qabanayo dadka degan xaafadda 25aad markii la doorto Maxamud wuxuu yiri “Waxa ugu horeeya ee aan doonayo in aan wax ka qabto waa waxbarashada, waxaan doonayaa in dhamaan ilmaha degan xaafadani helaan waxba-rasho ku filan oo tayo leh. Waxaa intaas ku xigta waa in aan caawiyo ganacsa-tada yar yar ee u baahan in ay gacan dhaqaale ka he-laan dowladda. Gobolkan Ohio waa gobol qani ah oo dhaqaale badan yaalo waxaanan doonayaa in ganacsatada Soomaaliyeed ay qaybtooda ka helaan dhaqaalaha gobolkan Ohio.
Eng: Maxamuud wuxuu kaloo ka hadlay in uu doonayo in qof kasta oo xaafadan deggan uu helo caafimaad lacag la’aan ah, da’duu doono ha jiree. Isagoo arrintaas ka had-lanayana wuxuu yiri “Ujeedadaydu waa in qof degan xaafadan uusan no-qon kaar caafimaad la’aan”.
Mar aan wax ka waydi-iney ola-olahiisa iyo halka uu marayo, wuxuu noo sheegay in uu si aad ah ugu kalsoon yahay in uu kursigan ku guulaysanayo, markaan waydiinay sabab-tana wuxuu yiri “Waxaan ahay nin Soomaali ah oo