Ayaan Daran Qaybtii Saddexaad

0
74

Xaafadihii u dhowaa reer Aw Jaamac oo dhan ee maqlay xanuunka Asli oo aad ugu dheereyd, waxay ku soo xoomeen sariirtii Asli, iyagoo u sheegaya in ay aad uga xun yihiin, Illaaheyna ka baryaaya inuu caafiyo, markii dadkii waaweynaa ay ka tageen waxaa ku hadhay hablihii saaxii-badeed ahaa, gaar ahaan kuwii ay isku da’da ahaay-een ee gelinka dambe dug-siga tagayay.
Asli maalintii danbe aad bey u roonaatay, waxayna tagtay dugsiga, hase yeeshee waxay go’aan ku gaadhay in anaay dib dambe u la hadlin oo Ca-nab, markii ay dariiqad dugsiga taga sii socotayna wey gunuunucaysay, iyadoo hoos ka leh, “Dhibaatadaas oo dhan waxaa ii keentay Canab.. Illaahay waxaan uga bal-lan qaaday in labadayada midkaayo aakhiro tago bal iyadu haddii ay quusatay, maxay mustaqbalkayga ugu ciyaaraysaa”. Markii Asli dugsiga soo gaadhay cid ay aragto waxaa ugu horreysay Ca-nab oo albaabka ku sugey-say si ay uga waraysato wixii habeen hore ay Cad-daawe kala kulantay, intay u soo dhawaatay oo salaan u soo taagtay bay ku tidhi: “Saaxiib Asli iska war-ran, miyaad xanuunsanay-saa, maxaad shalay dug-siga u iman weyday”. Asli salaantii kama ay qaaadin Canab, waxay u foorarsa-tay in ay kabteeda siibato si ay Canab oo yaab ka so harey ugu dhirbaaxdo, hase yeeshee waxa ka hor yimid macallinkoodii Cis-maan Fanax oo laba-doodiiba intuu salaamay ku yiri, intuu gacmaha soo qabtay, “Ina keena, maxaa idin taajyey meesha dug-sigii waa la galaye”. Asli iyo Canabba galaaskii ayay galeen, xiis-adii ugu horreysay oo ay lahaayeenna waxay ahayd Xisaab, Asli lama socon waxa la dhigahayo, waayo waxa horteeda joogay muuqaalkii iyo falkii foosha xumaa ee habeen-kii hore dhacay waxaana ku soo duxanaayey karaa-hiyo iyo ciil ay u qabto Canab. Markii xiisaddii dhammaatay ayay Asli oo isku buuqsani fasax ka qaadatay Maamulihii dug-siga, waxayna tagtay gurigoodii.
Waxay xaalladdu hadba heer soo ahaato, laba bilood ka dib Asli aad ayay u xanuunsatay waxaana la dhigay qaybta bukaanka ee Cusbitaalka Guud ee Digfeer. Inkastoo uu jiray amar ah in xilli-yada qaarkood aan cusbi-taalka la iman karin, had-dana waqti walba waxaa dul joogay Asli saaxii-badeedii dugsiga iyo xaafadda oo dhamaan had-diyado kala duwan u keenayay, markii miisasku qaadi waayeen hadiyada-haa kala duwan ayaa dhulka la daadiyey, dadkii xanuunsanayay ee cusbi-taalka ku jirayna loo qay-biyey.
Dakhtar Jimcaale oo madax u ahaa qaybtaa, waxaa ka yaabiyey sida gabadha yar loo jecel ya-hay ee maalin iyo ha-beenba aan looga faaru-qeyn qolkeeda. Aw Jaamac iyo Cambaro, Dig-feer wuxuu u noqday gurigoodii labaad. Markii laba toddoayaad Asli ay ku jirtay Isbitaalka oo la garan waayey xannuunka haya, ayaa ugu dama-yaystii shayabaarku cad-deeyey in Asli uur laba bilood iyo badh ah leeda-hay, sidaa darteed aroortii Asli oo kaligeed ah ayaa waxaa u soo galay Dhak-htar Jimcaale, wuxuuna ku yidhi; “Asliyey haddii aad socon karto iigu kaalay Xafiiska baadhitaanka”. Asli isla markiiba intay

xaydatay ayay u tagtay dhakhtarkii, waxaana dhexmaray su’aalahan iyo jawaabaha soo socda: -Asliyey nin ma leedahay? -Maya ma lihi. -Saaxiibna? -Saaxiibna ma lihi -Run ii sheeg,dhakhaatiirta waxba lagama qariyee .-Adeer wallaahi waa runtay waxba kaa qarin maayo, nin iyo Saaxib midna ma’ lihi.
Dhakhtarkii warqadihii baadhitaanka ayuu soo saaray, wuxuuna aad u eegay waraaqihii mid ka mid ah, waxaana wejigiisa ku soo joogsaday dhidid aan caadi ahayn, markaasuu intuu soo eegay Asli yiri; -See tahay imminka”. -Waan iska roonahay ditoore”, ayay ku war celisay. -Asliyey xanuunadu sidaad og-tahayba waa la kala leeya-hay, sidaa darteed maanta iyo wixii ka dambeeya waxaa laguu wareejiyey Jiinokoloojiya waa qeybta haweenka”.
Markii ereygaasi dhak-htarkii ka soo baxay, qar-racan iyo naxdin darteed ayuu hadalkii ka soo bixi waayey Asli, waxaana indheheeda ka soo booday ilmo xoog leh oo qoysay shalamadeedii. Dhak-htarkii intuu u soo dhowaaday ayuu Asli il-madii suuf kaga tiray kuna yidhi “Asli… is deji .. wax kastoo qofka ku dhacaaya waa wax minaallaahi ka yimid, waana in loo sam-raa, waxba ma aha, sow ma taqaanid ninka iska leh Ilmaha saddexda bilood ku dhow ee aad uurkiisa leedahay.”
Asli wax jawaab ahi kamay soo bixin ee oohin-tii ayay sii kordhisay, muddo nus saac ah ayuu dhakhtarku hadba hadal samirsiin iyo dejin ah u soo jeedinayey, Asli erey qur ah ayaa ka soo baxay oo ahaa, “Digtoore ha u sheegin waalidkey iyo dadkoo dhan in aan uur leeyahay”. “Dhakhaatiirta waa ka xaaran inay sirta sheegaan”, ayuu ugu jawaabay dhakhtar Jim-caale, wuxuu ugu yeeray kalkaaliyihii isagoo amray in Asli uu geeyo qaybta cudurrada haweenka. Haweenkii ku jiray qay-bta daawada markii ay maqleen in Asli la wareeji-yey ayay iska fahmeen in ay uur leedahay, waxaana muddo yar ka dib cusbi-taalkii ku faafay warka ah in Asli Ilmo aan aabbe lahayn siddo. Asli waxaa la dhex keenay haween sadkoodii dhammaaday.
Waxayna halkaa kala kulantay su’aalo miy-irkeedii rogay oo ay ka mid ahaayeen: Imisa bilood ayaad tahay? Ninkaagu magacii? Xagee buu ka shaqeeyaa? Imisa sanaa lagu qabay? Asli juuq umay oran dadkii su’aalaha waydiinayey, waxayna hoosta ka gashay oo isku duubtay go’eedii waxayna gashay fikir ah sidee ayaad yeeshaa, ma is dishaa mise waad carar-taa? Oo haddii aan cararto xaggee ayaan tagi, yaa doonaya gabadh ilmo aan aabbe lahayn sidda, Alla ciil badanaa waxaa soo dhan Canab ayaa ii keen-tay. Alla hoogay, hooyadey iyo aabahay ayaan ceeb u soo jiiday. Ereyadaa iyo kuwo la mid ah ayay Asli iskula had-laysay.
(LA SOCO QAYBTA SADDEXAAD EE SOO SOCOTA)