Gabar Soomaali ah Ayaa ku Dhimatay Qarax ka Dhacay Afgaanistaan

0
262

Ugu yaraan 21-qof oo ay
ku jiro haweeney Soomaali
ah oo haysata dhalashada
Mareykanka ayaa ku
dhimatay qarax ka dhacay
magaalada Kapul ee dalka
Afgaanistaan sida ay sheegeen
mas’uuliyiin u hadashey
dowladda Afgaanistaan.
Weerarkan ayaa noqonaya
kii ugu horreeyay oo tiro
intaan le’eg oo ajnabi ah mar
qura lagu dilo tan iyo markii
dalkaas ay ka bilowdeen
dagaaladii uu Mareykanku
horkacayey ee nabadda dalka
Afghaanistan lagu raadinayey
muddo laga joogo 13-sano.
Qaraxan oo ka dhacay
maqaayad ay leeyihiin dad
Lubnaaniyiin ah ayaa 13-
qof oo ajnabi ah oo ay ku
jirtay haweeney Soomaali-
Mareykan ah oo lagu
magcaabi jiray Basro Faarax
Xasan ay ku dhinteen.
Basro ayaa la sheegay in ay
la dhalatay qoraaga way ee
Soomaaliyeed Nuuradiin
Faarax. Waxaa kale oo
halkaas ku dhintay saddex qof
oo u shaqaynayey hay’adaha
Qaramada Midoobay ee
UNICEF. Ajaanibta kale ee
qaraxan ku dhintay ayaa
waxay u kala dhasheen
dalalka Canada, Lubnaan,
Denmark, Ruushka,
Malaysiya iyo Mareykanka.
Qaraxan ayaa waxaa
cambaareeyay golaha amniga
ee Qaramada Midoobay,
ururka NATO, Aqalka Cad
ee Mareykanka iyo Midowga
Yurub. Waxayna dhammaan
ku tilmaameen mid
axmaqnimo ah oo dhibaato
badan u geystay dad ray’id
ah. “Weerarkan lagu dilay
dadka shacabka ah ma ahan
mid cudur-daar loo heli karo.
Dadka ku dhintay weerarka
waxay ahaayeen kuwo mar
walba u taagan caawinta
shacabka Afgaanistaan si
ay mustaqbal wanaagsan,
dhaqaale iyo waxbarasho u
helaan,” sidaa waxaa lagu yiri
qoraal kasoo baxay Aqalka
Cad ee Mareykanka.
Xoghayaha guud ee Qaramada
Midoobay Ban Ki-Moon
ayaa isna weerarkan ku
tilmaamay mid aan la
aqbali karin wuxuuna yiri:
“Weerarkan waa mid si weyn
uga horimaanaya sharciyada
caalamiga ah. Kuwii geystay
waa in la soo qabto oo lala
xisaabtamo. Innagu waxaan
ballanqaadaynaa inaan sii
wadi doono howsha lagu
soo celinayo nabadda,
horumarka iyo xasilloonida
Afgaanistan.”
Mas’uuliyadda weerarkan
waxaa sheegatay ururka
Daalibaan, waxayna xuseen
in uu ahaa mid ay uga
jawaabayaan howlgal uu
Mareykanku ka fuliyay
gobolka Parwan oo ay
sheegeen in lagu dilay dad
shacab ah.
“Weerarrada la midka
ah kii lagu qaaday baarka
lagu cunteeyo waa kuwo
sii socon doona oo aan la
beegsanayno ajaanibta,”
ayuu yiri afhayeenka
kooxda Daalibaan,
Zabihullah Mujahid. Isagoo
intaas ku daray in goobta
ay ahayd goob ay gaaladu
khamriga ku cabi jireen.
Hoteelka iyo baarka
la weeraray ayaa waxaa
lahaa Lubaaniyiin, iyadoo
inta badan ay wax ka cuni
jireen degina jireen dadka
shisheeyaha ah ee Kabul ku
sugan.