Barkhad Cabdi Ku Soo Dhawow Hollywood!

0
285

Qore Mahdi Taakilo
SOMALI LINK REPORTER
Markii ugu horeysey inta la ogyahay ayaa Hollywood waxay go’aansadeen in Oscar
la siiyo Barkhad Cabdi oo Soomaali reer Minnesota ah. Oscarkan ayaa ah midkii
ugu horaysay ee la siiyo qof Soomaali ah. Barkhad wuxuu ku mutaystay Oscarkan
ka dib markii uu filin looga hadlayo burcad badeedka ka jirta Soomaaliya
la sameeyey mid ka midah jiliyaasha (actors) ugu caansan inta filin samaysa.
Jilahaas oo lagu magacaabo Tom Hanks. Jilahaani wuxuu
ku jiray shaqada filin samaynta in ka badan soddon sano. Wuxuuna dhown sano
markuu filmaanta jilayey, marna samaynayey noqday qofka labaad ee lagu siiyo
lacagta ugu badan marka filmaanta la samaynayo. Barkhad oo ka hadlaya
guushiisa ka dib markuu ku guulaystey Oscarkan ayaa sheegay in uu gacanta
u galin doono hooyadiis marka la guddoonsiiyo Oscarka. Isagoo hooyadiis ka
hadlayana wuxuu sheegay in ay guushiisa qayb ka tahay.
Barkhad Cabdi oo ka hadlayamarkii ugu horaysey ee uu maqlay in uu Oscar ku guulaystay
wuxuu yiri “Waxay ahayd habeenimo.Waanan seexan waayey markaasaan
soo fariistay qolka fadhiga si aan u TV-ga isugu maaweeliyo, in yar ka bacdi
ayaa waxaa soo galay barnaamij looga hadlayey Hollywoodkaiyo Oskarada la
bixin doono iyo cidda qaadan doonta. In yar ka bacdina waxay bilaabeen in ay ku
dhawaaqaan magacyada ku guulaystay. Waxaan filayaa magacaygu in uu ahaa magacii
labaad. Aad baan u farxay, markaasaan waxaan bilaabay in aan kor u bood-boodo.
Waxaan anigoo si waalli ah u ordaya ugu tagey dhallinyaradii aannu saaxiibada
ahayn ee filinka aan wada dhignay. Waxay yiraahdeen “Barkhad maxaa dhacay oo
aad la hiinraagaysaa”. Waxaan damcay in aan u sheego balse farxad darteed baan hadli waayey”
Jilidiisa sida aad ka ah looga helay waxay ahayd markii uu ku yiri Tom Hanks oo ahaa
atooraha (Jilaha) koowaad ee filinka, kuna jilayey in uu yahay kabtanka markabka “I
am the captain now oo macnaheedu yahay anigaa kabtan ka ah markabka hadda laga
bilaabo”. Barkhad markii la waydiiyey sida uu hadalkaas ula yimid maadaama aysan
ku jirin qoraalkii la siiyey ee uu soo xafiday wuxuu ku jawaabey “Ma aqaan meel ay
ka timid runtii! Waan iska iri” isagoo qoslaya. Barkhadayaa sheegay in uu mar
dhow u guuri doono Hollywood halkaas oo uu ka sii wadan doono shaqadiisa ah
filin-Jile. Filinkan wuxuu ku salaysan qiso run ah oo ka dhacday xeebaha Soomaaliya
sannadkii 2010kii. Dhallinyaro Soomaalia ah oo gaaraysa afar ayaa waxay xeebta
Soomaaliya Caluula agteedaka qafaasheen markab aad u wayn oo laga lahaa dalka
Maraykanka. Markabkan wuxuu gaas iyo saliid u waday wadamo dhawr ah oo ay
ku jirto Kenya. Waxaa loosheegay taliyaha markabka markii uu ku sii socday dekada
Mombasa ee dalka Kenya in uu ka fogaado xeebaha Soomaaliya dhowr boqol oo
kiilomitir. Nasiib darro taliyihii markabku arrintaas dheg uma dhigin.
Waxay ahayd markii uguhoraysey oo markab Maraykankalaga leeyahay laga
qafaasho xeebaha Soomaaliya. Afartii dhallinyaro waxay codsadeen in la siiyo
lacag gaaraysa 10 malyuun oo doolar oo madaxfurashoah. Nasiib darro, intaysan
markabkii la gaarin xeebta Soomaaliya ayaa waxaa kasoo gaaray ciidamada Badda
ee Maraykanka. Halkaas waxaa lagu dilay saddex kamid ah, midna waa lagu qabtay,
wuxuuna illaa hadda kuxiran yahay xabsi ku yaallagobolka Indiana ee nagu dhegan.