Waa Diin Tix-gelin iyo Mudnaan Siisa Cilmiga

0
224

Ma aha arrin kedo ku timid in kelmedda ugu horreysa ee ka mid ah Qur’aanka ee lagu soo dejiyey Nabiga (Calayhi Saalatu Wasalam) tahay: Iqra (Akhri), Waxaa hal-kaa lagu caddeeyey inuu Islaamka dhiirri-geliyo dhammaan noocyada cu-luunta nafaca u leh aad-miga illaa uu ka dhigay dariiqa uu maro qofka Muslimka ah isagoo cilmo doon ah uu yahay jid uu u hayo Jannada, sida uu Nabigu yiri: “Qofkii qaada waddo uu ku dalbayo cilmi, Allaah wuxuu ugu sahlaa waddo ka mid ah waddooyinka Jan-nada.” (Ibnu Xibbaan 84).
Islaamku ma yaqaan dagaal ka dhexeeya diinta iyo cilmiga sida diimaha kale, diintu waa baaqa cilmiga, waana taageeraha iyo ugu yeeraha dadka barid iyo barashoba maadaama uu ugu jiro khayr aadimiga.
Sidaas awgeed buu Al-laah u maamuusay qad-darka caalamka ee bara dadka khayrka oo u yeelay darajooyin sare, wuxuuna Nabigu (Calayhi Saalatu Wasalam) sheegay in dhammaan uunanka ay u duceeyaan macallinka bara dadka khayrka. (At-Tirmidi 2685). ■