U Codee Emmanuel Remy Gudiga Magaalada

0
255

Emmanuel waa madaxa Guddiga hormarinta dhaqaalaha, de-gaanka iyo xiriirka guddiyada maamulka ee magaalada Columbus. wuxuuna horey madax uga ahaa guddiga shaqaalaha iyo gaadiidka dadweynaha.
Emmanuel wuxuu si gaar ah isaga xilsaarey in uu fahmo baahi-yada gaarka ee dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan magaaladan. Hoggaamintiisa darteed ayey suurto gashay in la sameeyey meelo lagu lugeedyo (sidewalks) oo u dhow iskuullada si ardada nabad gelyo ugu tagto, kana soo laabato iskuulka.

Wuxuu ka qayb qaatey bilicda magaalada Colum-bus ka dib markuu abuuray meelo laguna qubo, si ay-san magaaladu u wada noqon qashin. Wuxuu ka nadiifiyey Northland ho-teelladii dambiilayaashu ku soo gabban jireen ama gacan siin jirey fal-

dambiyeedyada, kuwaas oo uu xiray shan ka mid ah hoteelladaas, wuxuuna qurxiyey bilicda waddada Morse Road oo ah halka ay Soomaalida ugu badani degan tahay.
Mar aan Emmanuel waydiinay sida uu u caawi-nayo xaafiisyada Soomali-yeed ee u adeega danaha dadkooda degan magaal-adan Columbus iyo nawaaxigeeda wuxuu yiri “Waxaan taageerayaa go’aan kasta oo wax loogu qabanayo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaaladan”. ■