Soomaalida Columbus iyo Doorashadan

0
231

Doorashada degmadan Franklin ee aan deganahay iyo magaalada Columbus ayaa meel gabo gabo ah iminka maraysa, waxaana jirta in howlo wanaagsan ay qabteen dhallinyarada ololaha doorashada u taa-gan oo ay qayb ka yihiin Soomaali badan oo dadka ku wargalinaya in ay u soo baxaan codeynta.
Xaafadaha ay ku badan yihiin Soomaalida ku nool magaalada Columbus Ohio , ayaa lagu arkay dhallinyaro Soomaaliya oo dadka ku dhiirri gali-naya in ay codkooda dhiibtaan, iyagoo ka dhaadhicinayay ahmiyada uu codkoodu u leeyahay Jaalliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladan Columbus iyo nawaaxi-geeda.
In badan oo ka mid ah Soomaalidu iskuma howli jirin in ay codkooda dhiib-taan (Vote) wixii hadda ka horeeyey laakiin sannad-kan waxaa muuqanaya in Soomaalidu tiradii ugu badnayd ay ku lahaayeen goobaha laga codeeyo.
Codaynta Xilliga hore (Early Vote). Ma jirin cid ay si gooniya ugu sheegayaan kooxdani in ay u codeeynayaan, ama xisbiga ay u codaynayaan balse waxay dadka u sheegayeen, kuna dhiiri galinayaan in ay codeeyaan ciddii ay doonaana ha u codeeyaan. Waxay kooxdani dadka ka caawinayaan gaadiidka iyo in ay ka caawiyaan goobaha lagu codeeyo.
Axmed Maxamed ka mid ah howl-wadeenada howshan ayaa ii sheegay in ay la kulmeen carqa-bado aad u badan gaar ahaan xilliyada ay dadka guryaha ku garaacayaan, taas oo ka dhalatay sida ay u yar tahay aragtida ay Soomaalidu ka haysato codaynta gaar ahaan dadka waaweyn.
Axmed isaga oo ha-dalkiisii sii wata ayuu yiri “Haddaan nahay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladan Co-lumbus iyo nawaaxigeeda, waa in aanu isku dayno in aan qof doorasho doonaya aan ku midowno oo aan dhammaanteen u wada codayno si aan fariin kulul ugu dirto dadka degan magaaladan ee aan Soomaalida ahayn, una sheegno in haddaan Soomaali nahay aan dooran karno qofkii aan doono”.
Shukri Addo oo ka ah kalkaaliso caafimaad ma-gaaladan Columbus, caawisana dadka xoogaa madaxa isaga buuqsan ama waalan ayaa sheegtay in si aad ah loogu baahan yahay in Soomalidu qayb ka qaataan doorashooy-inka gudaha, ha noqdeen kuwa loogu jiro madaxni-mada magaalada oo loo yaqaan city council ama mida loogu jiro degmada oo loo yaqaan Franklin county. ■