Soomaali Badan Ayaa TaageersanMorgan

0
209

Waxaan ku soo baxay Soomaali badan oo ku shirsan qof istaagan Moolka Banaadir, su’aalana waydiinaysa. Qofkaasi waxay ahayd Morgan Harper oo ah gabar doorasho ugu jirta Xaafada Saddexaad ee Congress-ka laga soo galo. Xaafadan ayaa waxaa deggan Soomaali aad u fara badan. Cid kasta oo doonaysa in ay ku guulaysatana waa in ay heshaa codka Soomaalida ku degan Xaafadan.
Morgan oo dhowr iyo soddon jir ah ayaa waxay u muuqataa in ay aad isugu dayayso in ay hesho codka Soomaalida deggan Xaafadan. Morgan waxay iyada oo arrintaas ka hadlaysa tiri “Waxaan doonayaa in aan kasbado codka dadka Soomaaliyeed ee degan Xaafadan. Waxayna sheegtay in had-dii la doorto ay doonayso in ay Soomaalida ka caawiso arrimaha socdaalka ama immigra-tionka loo yaqaan. Waxay kaloo sheegtay in ay caaw-inayso xaafiisyada Soomaaliyeed ee u adeega bulshada ku dhaqan hal-kan.

Kowthat Muse oo ah reer Columbus, diyaarinay-sana shahaadada PH.D, kuna caan ah abaabulka bulshada Soomaliyeed ee ku dhaqan magaaladan Columbus ha noqoto xagga doorashooyinka ama wacyi galintooda ayaa iyana sheegtey in Morgan ay tahay qof yar oo fahmi kara baahida dhallin-yaradeenu qabto, waxayna tiri “Waxaan u baahanahay in aan dadaal iyo karti dheeraad ah muujino si aan u doorano Morgan oo ah qof diyaar u ah in ay wax u qabato dhallinta soo koraysa”.
Sidoo kale waxaa Mor-gan doorashadeeda si aad ah u soo dhaweeyey Cab-diraxmaan Ducaale oo ku magacdheer Geelle oo isna yiri “Waxaan u baahana-hay, haddaan Soomaali nahay, in aan taageerno Morgan, maxaa yeelay haddaan taageerno Morgan waxaan fariin u diraynaa dadka codka doonaya ee ku dhaqan magaaladan iyo gobolkan labadaba, una sheegnaynaa inaan ciddii aannu doono dooran karno haddii aan Soomaali na-hay” Geelle wuxuu ha-dalkiisii ku soo gaba-gabeeyey “Jid kale nooma furna in aan doorano Mor-gan mooyee”!
Xasan Cumar (Dheeere) oo ah madaxa Jaalliyada ku dhaqan magaaladan ayaa sheegay in uu doonayo in dadku taa-geeran ciddii wax ka qaba-naysa waxbarashada, shaqo la’aanta ka jirta magaalada, nabadgalyada iyo guryaha. Wuxuu Xasan intaas ku daray mar aannu wax ka waydiinay Wakiilka Joyce Beatty iyo in ay dadka degan Xaafadeeda wax u qabatey, wuxuu yiri “Joyce Beatty illaa iyo hadda ma jirto wax allaale waxay u qabatey dadka Soomaalida ah ee deggan xaafadeeda”.
Mar aannu waydiinay in uu wax fariin ah uu hayo dadka codaynaya wuxuu yiri “Waa in dhammaan dadku u codeeyo dadka inaga na taageersan”. ■