Soomaali Baan Ahay

0
306

Waqtiyada socdaalka ah Ayaamaha silsiladda ah Xilliyada bal suuree Soo jire haddaad tahay Sadarada dib ugu noqo Soomaali waa kuma? Soomaali waa tuma? Sinnaantaan la magac ahay Sanku-neefle ma oggoli Inuu iga sarrayn karo, Anna garasho sogordahan Sooryo ruux ugama dhigo, Ninna madax-salaax iyo Kama yeelo seetada, Sasabada ma qaayibo Sirta waxaan idhaahdaa Saab aan biyaha cellin Saab aan biyaha cellin Soomaali Soomaali Soomaali baan Ahay.


Inkastoon sabool ahay Haddana waan sarriigtaa Sacabada ma hoorsado Saaxiib nimaan nahay Cadawgayga lama simo Soomaali baan ahay. Socdaalkaygu waa meel Sahaydaydu waa dacar Soohdintaydu waa caan, Seetadaydu waa cudur Naftuna geedka iga sud-han, Nin nin sigay ma nabad galo Nin nin sugayna maba jiro Libta weli ma sii dayn, Gardarrada ma saacido Nin xaqlana, cid lama simo, Soomaali Soomaali Soomaali baan Ahay. Nabaddaan u sahanshaa Colaaddaan ka selelaa Sooma jeesto goobaha, Ninka nabarka soo sida Gacantiisa kama sugo
Dabayshaan la socod ahay Salfudaydna uma kaco,
Waabay sun aan ahay Marna samewadaan ahay Sumir baan hagoogtaa,
Soomaali Soomaal Soomaali baan Ahay Ninkaan taydu soli karin Uma yeelo suu rabo, Sida dunida qaarkeed Sandulaynta ma oggoli Ninna kabaha uma sido,
Ninka iga sed roonow Siintaada magaca leh Ogow kaama sugayee, Hana odhan sasabo bedow Dareen seexda ma lihiye Soomaali baan ahay, Saan la kala jaraan ahay Summadi ay ku wada taal Rag baa beri i saanyaday Anoo xoolo soofsada, Xil midnimo anaa sida, Soomaali baad tahayee