Ayaan Daran Qaybtii labaad (Part Two)

0
97

Asli iyo Canab oo dharkooda kii ugu bilic-sanaa ku soo labistay ayaa soo istaagay halkii ay bal-lantu ahayd, oo ka soo horjeeday dugsiga Dhagax -Tuur ee Shineemo Hodan dabadiisa ku yaal, waxa yar ka dib gaarigii ayaa yimid, markaasuu Cad-daawe yiri, “Ballantii waad oofiseen.. waa sid-deedii oo gaw ah”. Cali baa yiri markaa, “ina keena”.
Markii baabuurkii la fuulay ee uu dhaqaaqay ayaa Canab oo kursiga hore fadhiday intay dhi-naca dambe oo Asli iyo Caddaawe wada fadhiyeen soo eegtay tiri: “Barasho wanaagsan, gabadhan waa saaxiibadey aan isku dhi-manno, oo ruuxba ruux aan nahay, magaceedana waxaa la yiraahdaa Asli, isku dugsina waanu nahay, wiilashanna waxaa la kala yiraahdaa Cali oo saaxiib-keyga ah, intay timaha ka salaaxday iyo Caddaawe oo aan rajeynayo inuu saaxiibkaa noqdo”. Markay is bartay bay hore u jeesatay.
Asli amakaag iyo aa-musnaan baa ka soo hartey, waayo saaxii-badeed umay sheegin ninkan labaad. “Xaggee tagnaa idinkaa i xukumee” buu yiri Cali oo baabuurka waday. Canab oo u hol-latay in ay tiraahdo Jungal (waa baararkii Xamar ugu waawaynaa ee laga cash-eyn jirey), ayaa Caddaawe oo ogaa in baabuurka baasiinku ku yar yahay dhaqaaluhuna iska liito oo aakhir mushahar lagu jiro yiri “Na gee Tiribunada”. Intii baabuurku socday laba laba ayaa loo sheekeysanayey, Canab iyo Cali hadalkii si fiican buu isugu baxay, qosol iyo maad baana ka dhaceysay.
Asli oo aamusnayd waxay ku ekeyd oo qura inay ka jawaabto su’aalaha la weydiiyo, Caddaawe markii lambar afar laga soo leexday buu Asli gacanta intuu duleedka ka saaray xaggiisa u soo riixay, Asli oo xanaaqsan baa cod dheer ku tiri, iyadoo weliba iska qaad-eysa, “Iga daa’ Jaalle gacantaada”. “Haye, iga raali ahoow”, buu ugu jawaabay intuu midigtiisa la soo noqday, waxaana markii la casheeyey loo soo noqday magaaladii.
Asli in ay degto ayey dooneysay, hase yeeshee waxa saaxiibadeed ku ad-keysay in guriga Cali ay soo arkaan. Markii la gaaray hoygii Cali oo ahaa firaaqo, afartoodiiba waxay fadhiisteen fadhiga, Asli mooyee saddexda kaleba sigaar ayey shiteen, Caddaawe oo kursi u dhow fadhiyey baa intuu xabbad sigaar ah shiday u taagay Asli, hase yeeshee waxay tiri “Mahadsanid, anigu sigaar ma cabbo”.
Cali iyo Canab oo farax-san iskuna dheggan baa gurigii u firaaqeeyey Asli iyo Caddaawe, waxayna tageen qol kale, Caddaawe wuxuu bilaabay sheeko dheer, wuxuuna Asli oo uu dhali karayey uu kaga ad-kaaday waayo-aragnimadiisa, wuxuuna dhacsiiyey in aanu gaabsi ka rabin ee uu jecel yahay, doonayana inuu la saaxiibo.
Caddaawe, Asli intuu gacanta qabtay buu fariisi-yey iyadoo aan raalli ka ahayn, waxayna isku day-day inay sare kacdo, hase yeeshee wuu u diiday. “Dooni maayo in aan hal-kan joogo, ii oggolow gurigeygii baan ta-gayaaye” bay Asli ku celicelisay, hase yeeshee Caddaawe oo kaashanaya waayo-aragnimadiisa wuu hubay in xaalku siduu rabo ku dhammaan doono. “Asli waan ku jeclahay sow kuma oran, xabiibi soo dhowoow, waan kuu dhimanayaaye, la’aantaa noloshu wax qiimo ah iima laha”. Erayadaa iyo kuwo kale oo ka sii ma-caan badan buu ku afgubaabadsanayey Cadaawe, si uu beer nu-geyl uga helo Asli, iyadoo gacantiisa iyo afkiisu ay isla socdaan.
Ugu dambeyntii Asli oo u adkeysan wayday ere-yadii xoogga badnaa iyo arartii Caddaawe, dhalan-teedkii bay run u malay-say, waxaana qaaday caadifad ka saa’id celey-say, oo gabadhnimadeedii burburisay.
Markii arrintii xumaatay baa Asli ogaatay khatarta ay ku jirto, degdeg beyna u carartay iyadoo cidna waxba ogeysiin. Cadaawe markuu muraadkiisii bog-tay dan kama lahayn jaha-wareerka ku dhacay Asli, wuxuuna Cali iyo Canab u sheegay in ay Asli tagtay isna uu sii soconayo. Ca-nab baa markaa tidhi: -Oo maxaa dhacay oo idin dedejiyey? -Nabad gelyo iyo tumasho wanaagsan, buu intuu yiri Caddaawe durbadiba baxay.

Asli habeenkii oo dhan way soo jeedday, subaxni-madiina dugsi may tagin. Asli oo isla hadleysa had-bana dhinaca isu rogeysa baa hooyadeed u soo gashay oo ku tiri: -Naa Asli.. hooyo waadiga sa-aka iskuulkii ka baaaqdee miyaad xanuunsanaysaa? … heedhe indha dheeri-daa, xaggee lagaa hayaa? – Hooyo waan iska roona-hay, bay ugu jawaabtay Asli. -Hooyo macaan ma kuu keenaa quraac?
-Hooyo saaka wax cunto ah ma rabo.
Asli hooyadeed isla markiiba way garatay in inanteedu u baahan tahay sharaab, sidaa darteed waxay u yeertay Kuusey oo ahayd adeegtadii qoy-ska, waxayna u dirtay laba xabo oo Maango ah, markaa ka dib bay intay sariirtii kula soo fadhiisa-tay Asli oo si raxmad leh beerka uga taabatey ayay Cambaro weydiisay inan-teeda halka laga hayo Aslina waxay ugu jawaab-tay:
-Hooyo caloosha waxba kama qabo, waanigii bishii hore isa soo baarey ee la yiri waxba ma qabtid.
Aw Jaamac oo ahaa Asli aabbaheed baa maqlay dooddii markasuu intuu gurigii soo galay oo Cam-baro il canaan ka muuqato ku eegay, isagoo isla markaana ku foorarsanaya Asli gacantana dhabanka ka saaraya ku yidhi;- Maxaad iigu sheegi wey-day in inantu xanuun-sanayso?-Goormaan kuu sheegaa amba imminkaan ka war helaye ayay Cam-baro ugu jawaabtay. Aw Jaamac intuu gacantii qoorta ka saaray Asli buu ku yiri:-Aabbo iska war-ran, sidee tahay, xaggee lagaa hayaa, goormuu xanuunku kugu bilowmay.
Intaanay Asli jawaabin ayay Cambaro duqa u sheegtay xanuunka Asli iyo calaamooyinkiisa. Aw Jaamac intuu istaagay buu yiri, “Cambarooy anigu shaqadii baan tagayaaye inanta u dadaal oo waxay doonto u samee”.