Madaalayaasha Columbus

0
279
Cabdi Aaden Geesey

Abdi Aaden waa saaxiib u dhexeeya dadwaynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladan Columbus. Waa nin aah qabiil lahayn haba yaraatee! Waa af-tahan aad u deggan, jecelna in uu isu keeno ummadda Soomaaliy-eed meel kasta oo ay joogaanba. Magaaladan Columbus isaga ayaa lagu soo dagaa marka ay martiyi timaado.
Wuxuu had iyo jeer u taagan yahay abaabulka iyo kicinta bulshada, hadday noqoto dhinaca wanaagga, wax wada qabsiga, u gar-gaaridda dadka liita, wax u ururinta aafooyinka ka dhaca dalkeennii sida ab-aaraha iyo fatahaadaha.
Cabdi Geeseey waxaan oran karnaa wuxuu laf-dhabar u yahay wax walba oo wanaag ah oo ka dhaca magaalada Columbus, intaas waxaa u dheer waa madaalaha had iyo jeer u taagan dhallinyaradeenna rag iyo dumarba, kalana dagaallama dhaqammada xunxun sida maandoori-yayaasha iyo adeegsiga hubka dilaaga ah sida bastooladaha iyo qoryaha oo carruur badan oo Soomaaliyeed ku le’deen labadii sano ee ugu dam-beysay.
Cabdi Aaden wuxuu xalliyaa khilaafyada yar yare ee ka dhaca dhallin-yarada dhexdooda inta aysan isu beddelin gacan ka hadal amase maxkamad. Cabdi Aaden waa waddani jecel dalkiisa iyo dadkiisa hooyo.

Engineer
Maxamud Jaamac
(Kaafi)

Enginer Maxamud Jaamac oo ku magac dheer Kaafi waa Aabe da’ yar oo bulshada ku nool Colum-bus caan ka ah, wuxuuna u tartamayaa doorashada degaanka 25aad ee Colum-bus. Intii uusan bilaabin u tartanka xilkan wuxuu ahaa ganacsade iyo En-jineer u shaqeeya Wakaal-ada Xoogga Korontada ee Ohio, loona soo gaabiyo AEP.
Eng. Maxamuud kuma cusba siyaasadda magaal-ada Columbus oo wuxuu madax ka ahaan jirey hay”ad isaga iyo saaxiib-badiis ay aas-aaseen oo la yiraahdo New American Political Action (NAPA) oo door firfircoon ka soo qaadatey u ola-oleynta doorashooyinka guud ahaan ee gobolkan Ohio, gaar ahaan magaalada Co-lumbus, Ohio iyo la da-gaalanka xuquuqda dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada xabsiyada ku jirta iyo ka hortagga maandooriyaasha da’yar-teena qaarkeed ku dhex jiraan.
Eng. Maxamud waa nin aad u deggan, jecelna in uu ku dhageysto, taasina waxay keentay in uu kas-bado dad badan oo reer Columbus ah. Maxamuud wuxuu hadda u ordayaa in loo soo doorto degmada 25aad ee magaaladan oo ah halka ay Soomaalidu degan tahay. Degmada uu u ordayaa waxay dhacdaa goobaha ay Soomaalidu degan yihiin oo ay ka mid yihiin waddooyinka Morse Road, Cleveland Ave, Easton Mall etc.
Maxamuud wuxuu dad-waynaha Soomaaliyeed ee deggan nawaaxigaas ka codsanayaa in ay u codeeyaan doorashada is-reeb reebka ee dhacaysa bisha Maarso 17 ee san-nadka 2020.

Dr. and Imaam
Maxamed Xassan Aadam

Dr. and Iimam Maxamed Xasan Aadan waa Ii-maamka Masjidka Abu Hureyra ee ku yaalla wa-dada Westerville ee ma-gaalada Columbus. Waa daaci ugu yeera diinta is-laamka dadka ku dhaqan magaaladan, xasuusiyana faa’iida ay leedahay ku dhaqanka diinta Islaamka adduun iyo aakhiraba.
Dr. Maxamed wuxuu shahaadada doctoreetka (PH.D) ka qaatay Jaamacadda Theological Foundation ee ku taal Okla-homa City, wuxuuna ku taqasusey waxbarshada Diinta. Iimaamku wuxuu horey uga soo shaqeeyey Jaamacadda Ohio State University (OSU), wuxuuna bartey kuna tak-hasusay cilmiga Pulmonol-ogy iyo respiratory thera-pist ( sanbabada iyo neef-siga ).
Sidoo kale wuxuu Dr. Maxamed ka mid ahaa maamulayaasha Masjidka Ibn Taymiyah oo arday badan oo Soomaaliyeed ay hadda dhigtaan, kuwa kalana ka aflaxeen. Dr. Maxamed wuxuu ka mid ahaa dadkii dhidibada u aasey masaajidyo badan oo ku yaal magaaladan (Illaahay ajar ha ka siiyee).
Imam Maxamed Xassan wuxuu maamule sare ka soo noqdaay iskuulka Fo-cus Learning Academy North oo ay illaa iyo hadda wax ku bartaan ardey badan oo Soomaali ah, kana shaqeeyaan macallimiin Soomaali iyo Maraykanba isugu jirta. Dr. Maxamed wuxuu ka mid yahay Gud-diga la taliyaasha arrimaha Diinta ee Duqa magaalada Columbus Ginther. Ii-maamku kuma eka masjid-kiisa oo qura ee wuxuu qudbooyin arrimaha diinta islaamka ku saabsan ka jeediyaa masaajidyo badan oo ku yaal magaalada Co-lumbus iyo gobolo badan oo ka mid ah Maraykanka.

Daahir Cali Cumar

Dahir Cali Dhuux waa aqoonyahan, Aabe iyo ganacsade ku nool magaal-ada Columbus Ohio. Daa-hir wuxuu intaas ku dar-sadey abwaaniyo, aftahan-nimo iyo isagoo gabay abuur ah. Daahir wuxuu u ola-oleeyaa dhammaan howlaha siyaasadeed oo lagu dhisayo Soomaaliya. Magaaladanna wuxuu si aad ah ugu mashquulsan yahay badbaadinta dhallin-yarada Soomaaliyeed. Wuxuuna ka mid yahay dadka tirada yar ee sida aad ka ah isugu howla in ay dhallinyarada xirfad ay ku mashquulaan u sameeyaan.
Mar aan weydiiyey Daa-hir sababta ku kaliftey in uu xil gooni ah iska saaro arrimaha ka dhacaya ma-gaaladan Columbus ee u baahan in daymo fiican loo yeesho wuxuu yiri: “Waxaan nahay dad walaalo ah, Soomaali wada ah oo yimid meel aan horey nalooga aqoon, waa in aan isku tiirsanaa oo is caawinnaa, haddii midkeen kufo waa inaan garbaha qabannaa oo istaa-jinnaa, waa in dalkeennii hooyo oo weli la daala dhacaya abaaro iyo masii-booyin kale caawinnaa, kuna baraarujinnaa dad-keenna jooga halkan dhibka ka jira dhulkii iyo sidaan uga qayb qaadan lahayn maareynta dhibaa-tooyinkaas haysta dad-keena meel kasta oo ay joogaanba”.
Gaar ahaan Daahir Cali Dhuux wuxuu si gaar ah ugu tafaxaytey toosinta iyo hanuuninta dhallin-yaradeenna oo la marin habaabshey, wuxuuna kula taliyaa kuwo wanaagsan in howshooda halkaa ka sii wataan oo aan laga leexin hadafkooda, kuwa xu-maadayna wax loo sheego oo la waaniyo. La’aantiis Daahir wax badan oo ay magaaladan qabsatey ma qabsoonteen. Waxaanu ku leeenahay Daahir hawsha halkaa ka sii wad illaah baa kaa abaal marin doonee.