Koowaad

0
260
Geel Jire Caano Toobke Ku Cabaya

Doqonkii Ogaadeen ahaa, Doollo laga qaadye Loo diid Dannood iyo hadduu, degi lahaa Ciide Niman baa dalkoodiyo xukuma, labadi daaroode Daratoole iyo Faafan oo, wada duraabaaya Deegaanta haradii ku taal, daaqi ma hayaane Doox kama mareershaan dhulkay, Deleb ku beerreyde. Markii duraha jiilaal kacee, doogga la idleeyo Duurka iyo dayada Hawd markay, Debec ku soo oonto Laaskuu ku dalandoolli jirey, loogu degi waaye Alla Dawguduuddii Wardheer, kama durduuraane Dawadeedu waa Jeerinleey, ugu dul geeraare Ceelkii biyaha diirranaa, looma dawdebo’e Dixda Qarandi Deer iyo Mataan, loo dardari waaye Darar kagama maalaan Cammuud, diiqo iyo xoore Maantana dukaammaa la dhigay, degelki Gaafoowe Dixda Reygareed iyo Gargaar, laysu dacareeye Deyr baaba lagu meeriyoo, loo dabbaaldegaye.