ISLAAMKA & NOLOSHA

0
294

W/Q Iimaan Maxamed Xasan
Islaamku waa diin isu miisaanta nolosha Adduunka iyo nolosha Aakhiro, waayo adduunku waa beer uu ku beerto qofka Muslimka ah khay-raadka uu burrito ku bax-san lahaa. Beerta iyo abuurkanina wuxuu u baa-han yahay inaad ku qaabisho nolosha nafsad kheyrka rajeysa, uuna ka buuxo dadaal iyo go’aan adeyg:
Camiraadda Arladan
Illaah Kor ahaaye wuxuu yiri: “Waxaan id-inka abuuray dhulka oo idin dejiyey dhexdiisa si aad u camirtaan” (Huud: 61). Illaah wuxuu nagu beeray arladan oo na am-ray inaan camirno oo ku hormarinno ilbaxnimo iyo dhismo u adeegaya aad-miga, oo aan ka hor imaaneyn shareecad Islaamka ee sahlan, balse wuxuu ka yeelay camiraaddeeda iyo hor-marinteeda waxyaalaha ay dooneyso shareecada iyo cibaadooyinka xitaa waqtiyada lagu jiro du-ruufta adag iyo marka uu xaalka murugsan yahay , sidaas awgeed buu Nabigu (Calayhi Saalatu Wasalam) ku baraarujiyey qofka Muslimka ah in haddii qiyaamuhu dhaco isagoo gacanta ku haya abuur uu doonayo inuu beero in uu ku dhaqsado oo uu markaa beero si ay qofkaas beer-istu ugu noqotosadaqo! (Axmad 2712).
Dhex Galka Dadka
Islaamka wuxuu ku baaqaa in lagala qayb qaato dadka xagga dhis-maha iyo sameynta ilbax-nimo iyo wax hagaajinta, iyo in la dhex galo dadka oo lala xiriiro si edeb iyo dabcisan leh si kastaba ha u kala duwanaadeen dhaqammadoda iyo diima-hooda.
Wuxuuna Islaamka nagu baraarujiyey in ka dhex bixidda iyo ka fogaan-shaha dadka aanay ahayn wax wanaagsan oo Illaa-hay jecel yahay, sidaas awgeed buu Rasuulkii Ilaahay (Calayhi Saalatu Wasalam) ka yeelay in qofka dadka dhex gala oo ku sabra waxa ka soo gaara oo dhibaato iyo gef ah uu ka fiican yahay qofka ka gooni noqda oo ka fogaada (w.w. Ibnu Maajah 4032).