Danjire Ameerika oo HOL uga Warbixiyay Xariga Ilyaas Y. Warsame

0
189

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur
(America) ayaa uga warbixiyey barbaahinta in xariga Danjire Maxamed
Cali Ameerika ayaa sheegay in aysan si dhab ah u ogeyn sababta loo xiray dublamaasiga, balse ay
ogaadeen inuu haystay jinsiyadaha Soomaaliya iyo Kenya, taasna ay sababtay in uu dhumiyo awoodii diblomaasiyadda ee uu gabaad ka dhigan lahaa. “Ilyaas waxaa lagu helay
inuu haysto baasaboorka dalka Kenya, taasoo innagu aan horay u ogeyn, balse
waxaan dadaal ugu jirnaa inaan soo dayno, wax walba
oo uu nooga baahdana diyaar ayeeynu ula nahay,”
ayuu yiri danjire Ameerika oo HOL u warramayay. Sidoo kale, danjire Maxamed Cali Ameerika
wuxuu sheegay inay mamnuuc tahay inuu laba jinsiyad haysto qofka safaarad
u shaqenaya, isagoo si gaar ah u sheegay in shuruucda
caalamiga ah ay mamnuuc ku tahay in ruuxa uu haysto
jinsiyada dalka uu dublamaasi ahaanta uga shaqeynayo.
“Xoghayaha saddexaad wuxuu shaqada safaaradda billaabay bishii May ee
sannadkii aan soo dhaafnay 2013-ka, mana ogeyn inuu haysto baasaboor Kenyan ah,
markii la xiray ayaan ogaannay inuu haysto jinsiyaddda Kenya,” ayuu kaga jawaabay
danjire Ameerika su’aal ay HOL weydiisay oo ahayd in ay
ogaayeen in Ilyaas uu haysto baasaboorka Kenya markii
uu shaqada ka billaabayay safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya. Dhanka kale, danjire
Maxamed Cali Ameerika wuxuu sheegay inay socdaan baaritaanno lagu hayo
xoghayaha saddexaad ee safaaradda, welina aysan jirin wax ay ka og yihiin
baaritaanka socda. Ma jirto hadal ku saabsan sababta loo xiray
dublamaasiga oo ay dowladda Kenya weli shaacisay, balse danjire Ameerika ayaa hoosta
ka xariiqay inay dadaal xooggan ugu jiraan sidii ay
kusoo deyn lahaayeen.