Amran Sheekh
Axmed

0
174

Amran waa hooyo da’ yar oo Soomali ah, kuna nool Columbus Ohio. Waxay qabatey wax itaal-keeda dhaqaale iyo shakhsi ahaanba ka awood badan. Amran iyo koox kale oo ku bahoobay hormarinta wad-dankeena hooyo ayaa ka dhisay gobolka Gedo mas-jidyo, dugsiyo quraan iyo goobo wax barasho.
Amran iyo kooxdeeda waxay dhiseen dugsiga sare ee Beled Xaawo, ayagoo horey u dhisey dugsiga hoose ee Beledxaawo, loona baxshey D/sare ee Sheikh Macallin Nuur. Horey ardada waxay u aadi jireen dugsiga sare ee Mandheera oo u jira 45 daqiiqo, laguana bari jirey Sawaahili. Maanta Dugsiga sare ee Beledxaawo waxaa dhigta 700 oo arday oo isugu jirta dugsiga hoose( K-1K-12 )illaa fasalka 12aad ee dugsiga sare.
Sidoo kale waxay ka dhistey degmada Doolow 2018-kii dugsigii sare ee ugu horreeyey ee degmadu yeelato, sidoo kale deg-mada Geed weyne ee G/gedo waxay ka dhistay iskuukii ugu horreeyey ee dhexe.
Amran oo arrintan ka hadlaysa waxay tiri “Lacagtaas badankeed waxaan ka soo ururiney Trucks stop yada Columbus iyo lacag ururin dhaqmo gawaari. Inshaa allah san-nadka 2020 waxaan rabnaa basaska iskuulka iyo sidey waxbarasho jaamacadeed (scholar ship) u heli lahaay-een. Walaalayaal gacmo wadajir bey wax ku gooyaan, kaalaya oo nala dhisa dalkeennii iyo dad-keennii”. ♥