1400 oo Sano Ka Hor, Ayey Islaamku Siisay Dumarka Xaquuqdoodii.

Must read

Nin walba oo macno leh waxaa ku tiirsan haweenay qiimo leh. (Beside every great man there’s a great woman). Dadoow waxaan idinka abuuray lab iyo dhaddig, waxaana idinka yeelay shucuub iyo qabiilooyin si aad isu aqoonsataan, Ruuxa ugu sharafta badan Eebe agtiisa waa ka idi-inku dhawrsiga badan, Eebana wax walba waa og yahay.
Aayadan waxaaan ka fahmeynaa in ruux walba inta uu ka taqwo ama uu ka Alle cabsi badan yahay ruuxa kale ka karaama badan yahay Alle agtiisa. karaamada Alle uu siiyo adoomadiisa kuma xinra qolo, midab ama jinsi rag iyo haween Alle waa u siman yihiin. Balse marka ay noqoto nolosha adduunyada iyo mas’uuli-yadaha qolo walba saaran waa lagu kala duwan ya-hay sida jinsi ahaanba ay ragga iyo haweenku uu kala duwan yihiin.
Waxaan kula talinayaa Culumada iyo Haweenka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in doodaha dhex maraya ay ku saleys-naadaan diinta ee aysan noqon mid dhaqan la xiriira ama aragti laga keenay dibada.
Haweenka Soomaaliy-eed Waxaan Dhihi La-haa: Marka hore xusuus-naada Culumadu waxay wadaan waa dhaxalkii Anbiyada, ”Al-‘culema-u warasatul anbiyaa”, the scholar’s (Culema) are the inheritors of the Prophets. Waa dhici kartaa culu-mada qaarkood in bii’addu saameyn ku yeelato, si aad u garataan oo u fahamtaan dooda culumada intee waafaqsan diinta inteese ka baxsan waxaan idin kula talinayaa inaad diinta barataan, sida taariikhda ku xusan gabdhuhu waxay diinta bareen culumo waaweyn oo uu ka mid ahaa Ibn Taymiyah.
Waa in Haween ahaan aad iska ilaalisan inaad qaadataan wax aan diinta Islaamka waafaqsanayn oo ay dhici karto in dano kale laga leeyahay, doodiinu mar walba ha ku saleysnaato arrinta laga doodayo Alle iyo Rasuulkiisa Muxamed (NNKH) maxay ka dha-heen, waa inuusan marjaca la xiganayo ama tixraacu noqon United Nation (UN)-ka iyo Beesha Caalamku maxay ka dhaheen. Xuquuqda uu UN-ku leeyahay ha la siiyo haweenka adduunka in ka badan ayaa diinta Islaamku idin siisay 1400 oo sano ka hor, kaliya ha la iska illaaliyo wixii di-inteena Islaamka ka hori-maanaya oo aan waafaqsanayn.

Culumada Soomaaliy-eed Waxaan Dhihi La-haa.
Waa in aad iska ilaali-saan in haweenku idiin arkaan kuwo iyaga ka soo horjeeda, waa inaad kas-bataan gabdhaha, una doo-daan xuquuqdooda waqti walba, waa in si gaar ah loo ixtiraamo gabdhaha, maadaama ay laf-dhabar u yihiin dacwada Islaamka, ayna yihiin kuwa bixiya dhaqaalaha ugu badan ee dacwada lagu bixiyo meel kasta oo ay joogaan, habeen iyo maalinna ay u taagan yi-hiin inay diinta baraan caruurtooda iyaga oo haya shaqooyin badan oo ay ahayd in raggu ay la qab-taan raggu.
Waxaan Culumada Soomaaliyed meel kasta oo ay joogaanba u soo jeedin lahaa sida ay u bar-teen diinta si la mid ah inay u bartaan dabeecadi-hii, akhlaaqdii iyo naxari-istii badnayd ee Rasu-ulkeenii Suubanaa Nabi Muxamed (NNKH). Waa in Culumadu qabtaan ku-lamo badan oo u gaar ah ragga oo lagala hadlayo ragga masuu’liyadaha ay dayaceen, wax badan yaan maqlaa barnaamijyo u gaar ah haweenka sida (Women in Islam), waxaan qabaa in hadda aad loogu baahan yahay kuwo u gaar ah ragga sida (Men in Islam), maxaa yeelay waa halkaas meesha aan hadda ka day-acanahay oo mushki-ladu naga haysato.
Hadii aan u soo laabto haweenka, guud ahaan sida taariikhda ku xusan meel walba oo dunida ah waa ay ku dul-manaayeen, welina inta badan way dulman yihiin, haddii aad fiiriso qaab nololeedka haweenka reer galbeedka ah, shalay way dulmanaayen oo waxaa loo diiday fikirkoodii, xorriyadoodii iyo xuquu-qdoodii intaba illaa laga soo gaaro qarnigii 18-aad. Xilligii kacaankii warsha-daha, waqtigaa iyada ah waxaa loo ogolaaday shaqada oo kaliya balse siyaasadda iyo dhaqaalaha weli way ku xiqirnaayen oo ragga kaliya ayaa loo ogolaa.

Hadda oo la yiri waxaad tihiin xorna mar kale ayaa la dulmiyay oo waxaa laga dhaadhiciyay in ay u labis-taan oo gashadaan dhar gaagaaban,oo u muuqda in ay qaawan yihiin, waxaa la yiri waa in ay is caateeyaan ama is dhud-huubaan si quruxdooda loo arko, guurka dib u dhigtaan, carruur badan aysan dhallin IWM.
Waa in haweenka Soomaaliyeed ay bartaan diintooda Islaamka oo siisay xuquuqdooda 1400 oo sano ka hor, Soomaaliya uma baahna kala qeybsanaan kale oo la dhex dhigo dumarka iyo ragga. Diinta Islaamka oo kaliya ayaa haweenka siisay xuquuq aan la xaqiri karin, xuquuq la mid ah tan ragga, ku dhiiri galisa haweenka in ay qayb weyn ku laha-daan horumarka bulshada haddey ahaan lahayd Hooyo, Bar-baariye, Macalin, Doctor, Siyaassi iyo xirfadaha kale ee loo baahan yahay.
Ugu danbeyn, waxaan la hadlayaa waa ragga Soomaaliyeed, sida aad og tihiin wax badan ayaa naga halaabey, hal dhinac oo noo fiyoow oo aan ku badbaadnay maanta waxay tahay waxaa Alle na siiyay gabdho qurux badan, qiimo badan, oo karti iyo haybad Illaahay u dhamaystirey, waxaa la oran karaa gabdhaha Soomaalidu waa gabdhaha caalamka ugu kartida badan, gabdhaha Soomaaliyeed waa gab-dhihii u soo baxay markii adduunka daafihiisa qaxooti lagu kala noqday dadkoodii iyo qoysas-koodii. Maalintaas qoyskii ugu yaraan hal gabar di-badda u soo jirtey wuu badbaadey, qoyskii toban wiil u soo maqnaayeenna waxay dadkoodii halis u noqdeen in ay baahi u dhammaadaan. Sannaddi-hii la soo dhaafey haddii aysan gabar jirin qoysas badan oo Soomaali ah waa loo yaabi lahaa. Ha loo sama falo Gabdhaha xu-quuqda uu Alle siiyayna yaan la dayicin, Alle SWT dhagarta cadawga ha naga hayo. Aamin ■

More articles

Latest article