13 ARIMOOD OO AAD KU SOO JIIDAN KARTO QOFKA QALBIGIISA

0
218

W/Q Iimaan Maxamed Xasan
Walaalayaal marka hore waxaad iga gudoontaan salaanta islaamka, salaan ka bacdi waxaan dham-maantiinba idiin ra-jeynayaa kheyr iyo bar-waaqo. Walaalayaal ila wadaaga qodobadan.
1- Dhoola cadaynta, walaalayaal dhoolacad-eyntu waa shay qaali ah, waana sadaqo ee og-soonoow..Hana ka bad-badin, hana yareynin.
2- Ku hormaridda sa-laanta iyo gacan qaadka iyo waji Furfurnaanta. Walaalayaal wexey saameyn weyn ku yeelataa quluubta adoomada. In dadka wanaag iyo waji furnaan lagu qaabilo iyo in muxabo iyo kalgacayl loo muujiyo
3-Hadiyadda. Walaalayaal walaalkaa oo aad shey yar oo hadiyad siiyo ayaa waxaad ku kas-ban kartaa qalbigiisa, dhe-gihiisa iyo indhihiisa.
4- In qofku aamuska badsado, hadalka badana yareeyo, oo uu ka hadlo oo keliya wixii wax anfacaya.
5- Wanaaajinta dhegey-siga dadka iyo inaan qof hadlaya aan hadalka lagu goynin.
6- Is-qurxinta iyo is ud-goominta jirka iyo dharka qofka muslinka ah. Waa shey qaali ah in uu qofku soo xirto dhar nadiif oo udgoon. Yanci waa in uu qofku haybadiisa iyo karaamadiisa muujiyo oo aanu is duleyn.
Dumarkuse waa inay iska ilaaliyaan uduga iyo is carfinta marka ay ba-naanka soo aadayaan, arin-taas sharcigeena ma ogola.
7- Waa in qofka mus-limka ahi uu mar walba wanaag sameeyaa oo wixii xumaan ah oo dhan ee lagu sameeyana uu wanaag ku beddelaa, dadka u gar-gaaraa oo caawiyaa.
8- Waa in qofka mus-linka ahi mar walba uu gacan furnaadaa, quluubta qaarkoodna waxaa lagu kasbadaa wax siinta.
9- Waa in qofka mus-linka ahi mar walba uu kheyr ka filo qofka kale ee walaalkiis/walaashiis ah. 10- Mar walbana uu cudur-daar u raadiyo gafafka ka dhaca.
11- Waa in qofka mus-linmka ee aad jeceshahay amase qaddarin kaa mudan aad u sheegtaa jacaylka iyo xurmada aad u hayso qofkaas.
12- Kaftanka wanaagsan iyo hadalka wanaagsan.
13- Af-gobaadsiga, iyo in qofku si xikmad leh ula hadlo dadka qalafsan amase macaasida ku dhexjira. laga yaabe ina Alle (sbw), xikmada aad kula hadashay iyo soo dhoweyntaada uu Alle ku soo hadeeyo. In la qalaf-sanaado ma wanaagsana, sidoo kalena in dadka ma-caasida ku jira loo mu-jaamaleeyo/raalli laga no-qdo ma wanaagsana.
Intaas ayaan kuu soo koo-bayaa, waxaan idiin ra-jeynayaa kheyr iyo bar-waaqo.