Booliiska Alabama oo Hub iyo Daroogo Been Abuur ah ku xiray African American

0
242

Kun (1000) Qof oo madow ah oo aan dambi lahayn haba yaraatee ayaa loo taxaabey xabsiga ma-gaalada Dothan, Alabama. Ragga madow ee ku nool gobolka Alabama ayaa waxaa hayb soocay oo ka dhigay dambiilayaal koox cunsuriyiin ah oo booliiska magaaladaas ka mid ah. Sida laga soo xig-tey warbixinta Henery County fal dambiyeedy-adan waxay ka dhaceen magaalada Dothan, Ala-bama, taasoo ugu yaraan 12 askari oo caddaan ah ay ka wada qayb qaateen fal danbiyeedkan. Askar-taan oo dhamaan cad-daanka ah waxay ka mid ahaayeen qaybta la da-gaalanka daroogada, waxaana madax u ahaa Lt. Steve Parrish.
Askartani waxay been abuur hub iyo daroogo in ay wateen ku sameyn jireen ragga madowga ah, kana dhigi jireen dam-biilayaal halis ku ah na-badgelyada shacabka reer Alabama, waxayna xabsi-yada u taxaabeen illaa iyo ku dhowaad kun qofood oo madow ah ama sidaad u taqaaniin African American ah.
Waxaa askartan cad-daanka ah ku soo oogay dambiyadan been abuurka ah xeer ilaaliya degmada oo isna ah nin caddaan ah, laguna magacaabo Dough Valeska. Ninkan xeer ilaaliyaha ah ayaa isna wax la waday askarta cad-daanka ah sida warku sheegay. Isagoo si cad u og in fal dambiyeedyadan oo dhan ay been abuur yihiin ayuu sii waday eed-eynta dadka madowga ah ee xabsiyada ku jira, di-faacayana askarta cunsuri-yiinta ah ee neceb dadka madowga ah.Dadka madow oo ahaa kun ku dhowaad ayaa xabsiga loogu taxaabey fal danbiy-eedyo aysan gelin laguna xukumay sanado aad u fara badan, illaa iyo had-dana ay qaarkood xabsi-yada ku iraan. Arrin-taan foosha xun ayaa ka bilaabatey degmada Dothan, Alabama sannad-kii 1996dii, markii ay ka dacwoodeen qoysas badan oo madow ah in raggoodi-ina si sharci darro ah loo xiray,laguna xiray falal dembiyeedyo aysan la-hayn. Xeer ilaaliyaha guud ee degmadan iyo askartii cusuriga ahayd dhegba jalaq uma siin oo wax dacwadoodii laga soo qaaday ma jirin. Waxay ahaayeen koox caddaan ah oo is gaashaan buuraysatey, isuna gud-biya jirtey xogta.
Arrintaan waxay caddeyneysaa in intaa oo askar booliis ah iyo xeer ilaaliyihii degmada aan si fiican loo soo xulin markii shaqada la siinayey, lana marsiin wax tobabar ah oo quseeya sida loola dhaqmo dadka madowga ah ee ku dhaqan magaal-adaas. Sidoo kale waxaa la yaab noqotay in cii-dankaas ka kooban 12 qof iyo xeer ilaalintiiba ay la wareegaan awooddii dhammayd ee booliiska degmada, Arrintaan waxaa hadda ku socda baaritaan biloow ah, iyadoo la sheegay in askartii cusuriga ahayd in badan oo ka mid ah ay jagooyin sare u dalaceen. Xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka Loretta Lynch ayaa u saarey dacwad ooge gaar ah shakhsiyaadka ku xad gudbey mawaadiniinta Alabama. Waxaana goor dhow la hor keeni doonaa caddaaladda, ciqaabtoo-dana waa la marsiin doonaa.